X
    Categories: Warar

Col. Caarre Oo Ka Hadlay Eedaha Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland U Jeediyay

Col. Siciid Cawil Jaamac (Caarre)

Hargeysa(ANN)- Col. Siciid Cawil Jaamac (Caarre)  oo ah sarkaal hore uga goostay Ciidanka Qaranka Somaliland, isla markaana hoggaamiya Jabhad hubaysan oo ku sugan Buuraha Woqooyiga Magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa ka hadlay eedeymo uu maanta u jeediyey Taliyaha ciidanka Millateriga Somaliland, Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Col. Caarre oo Waraysi siiyay Weriye Xasan Galaydh oo ka tirsan Telefishanka Horn Cable, isla markaana khadka Telefoonka ugu waramay, isagoo ku sugan Buuraha Sanaag, ayaa ka hadlay eedaha Taliye Nuux Taani iyo ciidamada ka baxay Somaliland ee ku biiray maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Wuxuuna eedaha Taliye Nuux Taani ku tilmaamay kuwo aan waxba ka jirin, isla markaana wuxuu ku dooday in aanu ahayn gacan-ku-dhiigle, isagoo yidhi, “Anigu 1994, ayaan galay Ciidanka Qaranka Laba Kuliyadood ayaan ka baxay haddii gacan-ku-dhiigle la sheegayo Nuun Taani ayaa ah, isagaa Ciidanka qaranka bur-buriyay ee qabaa’ilka ka dhigay weeye, waxaana markhaati u ah afkiisa, laba kun oo Ciidanka qaranka ka baxay oo dawlad kale galay, ayuu leeyahay awalba waxay iska qaadan jireen lacag bilaash ah, isagaa siin jiray, waxayna muujinay inuu sheer la ahaa.” Ayuu yidhi, Col. Siciid Cawil Jaamac (Caarre)

 Mar uu ka jawaabayay Col. Caarre xadhiga Taliye Nuux Taani sheegay in miiska saraakiishauu ku xidhnaa oo iyadoo Maxkamaddi ku socoto xilka loo magcaabay, wuxuu yidhi, “Caqliga saliimka ah ayaa ku siinaya qof maxkamaddi ku socoto in aan xil loo magcaabin. Anniga denbiile maan ahayn, gacan ku dhiiglena maan ahayn, maxkamad ayaa isii deysay, waana lay magcaabay, arrinta aan ku eedaysnaana waxay ahayd laba ciidan oo jidgooyo isu galay iyo dagaal dhexmaray dagaalkaas oo dhimasho iyo dhaawac sababay ee ma ahayn wax qof gaari geystay qof maag bay ahayd, amarkana isagaa soo bixiyay.” Ayuu yidhi, Col. Caarre.

Waxa kale oo la weydiiyay inuu dad shacab ah iyo askar ku laayay gobolka Sanaag, isla markaana dhacay saadka ciidanka Qaranka ee uu ka tirsanaa, wuxuuna isagoo arrintaa ka jawaabaya yidhi, “Dadka Ceel-afweyn waa dadkaygii, beryahaaba way is dilayeen oo labada qoloba  tigniko way haystaan, Annigu Garoowe ayaan jiray Inamo Aabayashood la dilay oo meelahaa dararweyne ka yimi ayay ahaayeen ee ma ahayn ciidankayga, mana aha wax anniga laygu eedaynkaro, nabadiina waxa laalay Nuux Taani.” Ayuu yidhi, Col. Caarre oo ka hadlayay eedaha uu Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani warbaahinta u mariyay.

Col. Caarre, wuxuu dagaalka Ceel-afweyn ku eedeeyay Xukuumadda, isagoo Taliyaha Ciidanka iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin dusha u saaray, isagoo dhinaca kalena Taliye Nuux ku eedeeyay shaqaaqooyin hore uga dhacay deegaamada galbeedka iyo Duleedka Magaalada Laascaanood.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post