X

Clarkston, Georgia state USA Oo Aqoonsaday Somaliland

Somaliland Map

 

Georgia state(ANN)-Golaha Deegaanaka Magaalada Clarkston ee dalka Marayka, ayaa si rasmia ah ugu dhawaaqay inay aqoonsadeen Somaliland, iyaga oo si qoto dheer uga warbixiyey sida ay Somaliland xaq ugu leedahay in loo aqoonsado dal ka mida waddamada dunida.

Wasaaraada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ka dareen celisay arrinta Aqoonsiga, ayaa qoraal mahadnaq iyo bogaadinba u diirtay golaha deegaanka ee maragaalada Clarkston, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka sida dhiiranaanta leh ee ay u qireen xaqa ay somaliland in u leedahay in la aqoonsado

 

Golaha Deegaanka Magaalada Clarkston ayaa si qoto dheer uga warbixiyey sababaha ay Somaliland xaq caalami ah ugu leedahay in la aqoonsado. Iyagoo baaq u diray ururka midawga Africa iyo dhamaan bulsho waynta caalamka in la gaadhay wakhti aan la hilmaami Karin sharcinimada iyo xaq nimada ay somaliland u leedahay in la aqoonsado.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ahi waxay hambalyo, bogaadin iyo mahadnaqba u soo jeedinaysaa muwaadiniinta reer somaliland ee sida gaarka ah iska xil saaray hawshan gaar ahaan Samiya Cabdillahi Walanwal oo bilawday hawshan iyo dhamaanba muwaadiniita reer Somaliland ee taageerada la garab istaagay oo ay ka mid yihiin, Jaamac  Yusuf Daroor, Fuaad Abdi Ismail, Ali Qanaf, Osman Yusuf Mohamud, Ali Hussein, Mubarak Suufi.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ahi waxay mahadnaq balladhan u soo jeedinaysa xubnaha golaha deegaanaka magaalada Clarkston, Mayer: Ted Terry, xildhibaan, Andrea Cervone, Jamie Carroll, Ahmed Hassan, Keith Barker, Tracy Ashby, Stephen Quinn.

Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxay si gaara ugu mahad celinaysaa xildhibaan Ahmed Hassan oo ahaa xildhibaankii mooshinka soo hordhigay golaha deegaanka magaalada Clarkston ee dalka maraykanka iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay mooshinka.

Arrintan ayaa waxa ay ka mid tahay dedaalada ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ugu jirto sidii ay ugu qancin lahayd aqoonsiga Somaliland dhamaan qaybaha bulsho waynta caalamka qof qof, Golayaal iyo Dawladoba..

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post