X
    Categories: Warar

” Cirro, Waxa Iiga Aqoon Badnaa Faysal Oo lahaa Uma Qalmo, Markaan Murrashaxa Madaxweynaha La Doonayay” Xoghayihii Hore Ee WADDANI

Maxamed Cabdullaahi Uurcade


Hargeysa(ANN)-Xoghayihii hore ee Xisbiga Mucaardka ee WADDANi, Maxamed Cabdullaahi Uur-cade, ayaa ka hadlay khilaafkii dhexmaray isaga iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro, sidoo kale, wuxuu ka hadlay xilligii ay ka wada tirsanaayeen Xisbiga UCID, sababtii uu ula saftay markii khilaaf soo dhexgalay hoggaanka UCID.


Maxamed Cabdullaahi Uur-cade, wuxuu sidoo kale ka hadlay natiijadii doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee Xisbiga KULMIYE, ku guulaystay.


“Markaan Cabdiraxmaan Cirro la saftay ee Faysal Cali Waraabe aannu isku haysanay UCID, waxan la doonaynay oo noo muuqatay aniga iyo raggii kale in markan aannu Faysal tartamin, maadaama uu Faysal Cali Waraabe ahaa guddoomiye laba jeer tartamay, isla markaana uu faysal kaga fiicnaanayo murrashaxnimada Madaxweynaha, laakiin Faysal wuxuu lahaa Cirro ma noqon karo Murrrashax Madaxweyne oo uma qalmo, Markaa saaxiibkay Cirro oo aan wax la doonaynay oo markaa ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland, waxa nooga aqoon badnaa Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.” sidaa waxa yidhi, Xoghayihii hore ee Xisbiga Mucaardka ee WADDANi, Maxamed Cabdullaahi Uur-cade.


Xoghayihii hore ee WADDANi, wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Telefishanka Baddacas 24Tv, wuxuuna arrimahaa iyo kuwo kale oo la xidhiidha guul-darooyinkii xisbiga WADDANI, ee uu ka tirsanaa kaga dhacay doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee November 13, 2017 kaga hadlay Barnaamijka Xog-wadaag oo uu daadihiyo Tafaftiraha Baddacas24 Tv, Cabdifataax Ismaaciil Mursal.


Halkan Ka Daawo Barnaamijkaa oo dhamaystiran.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post