X
    Categories: Warar

“Ciidanka Qaranka Somaliland, wuxuu ka Akhlaaq wanaagsan yahay, ciidamadii aan xukumi jiray markii Soomaaliya..” Sareeye Gaas Nuux Taani

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani



Hargeysa(ANN)-Taliyaha Ciidanka Qaranka Somalilnd, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in aasaaskii Ciidanka Qaranka lagu gaadhay horumarka Somaliland, isla markaana Ciidanka Qaranka maanta joogaa ay ka akhlaaq, Anshax iyo dishibiliin wanaagsan yihiin, ciidamadii uu xukumi jirnay markii Koonfur (Soomaaliya) la joogay.


Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu maanta ka hadlayay Munaasibad Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi ka qaybgalay oo lagu xusayay sannadguurada 26aad ee aasaaska Ciidanka Qaranka oo maanta ka dhacday xarunta Taliska guud ee Somaliland.


“laga soo bilaabo aasaaskii ilaa maanta Ciidanka Qaranku waxuu heegan u ahaa ilaalinta Qarannimada lama taabtaanka ah, waxaanu diaar u yahay inuu u huro naftiisa qaaliga ah. Aasaaska Ciidanka Qaranku waxuu la kowsaday xukuumadii labaad eek a dhalatay Somaliland, waxaana lagu saleeyey saamiyadii beelahu ku kala lahaayeen Guurtida.


Taliye Nuux Taani ayaa sheegay in horumarka Somaliland lagu gaadhay aa Ciidanka Qaranka, waxaanu yidhi, “Ilaahay baa mahad leh, amaana waxa leh raggii hawshaa hirgeliyey, taasoo keentay inaynu qeyrkeen kaga libbaysanay, kaga wanaagsanaanay, horumarkana aynu ku gaadhnay.
Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL S/G Nuux oo faahfaahin ka bixinayey talaabooyinkii Ciidanka Qaranku qaaday, aasaaskiisi ka dib ayaa sheegay in:-
· Sidii maamulka dawliga ah loo fidin lahaa, goboladana loo gaadhsiin lahaa.


· Sidii Ciidanka Qaranku u suggi lahaa dhamaan xuduudaha dalka.
· Sidii kor loogu qaadi lahaa tababarida & aqoonta Ciidanka Qaranka.


· Waxuu abuuray dugsiyo tababar iyo dhaqan-celin loogu sameeyo ciidanka.


Ciidanka Qaranku waxuu qeyb ka qaataa gacan-siinta Ciidamada kala duwan, hay’adaha dawliga, marka ay sugayaan amniga Qaranka, daryeelida iyo gacan-siinta bulshada, xaaladaha degdega ah.


Taliye Nuux Taani ayaa sheegay in dugsiyada kala duwan ee Ciidanka Qaranka ay ku jiraan ciidan dhiboo ah iyo jaamaciyiin, waxaanu yidhi,
“Ciidanka Qaranku waxuu leeyahay 4 Dugsi oo Ciidanka lagu tababaro, Darar-weyne oo Maroodi-jeex ah, Dugsiga Sheekh, oo Saaxil ah, Dugsiga Sama-kaab, oo Sool ah iyo Dugsiga Dixin oo Sanaag ah. Saddex Dugsi waxalagu tababara Ciidan dhiboo ah, Kuliyadda C/laahi Askar waxa tababar ku qaatay Shaqo-qaran, imika waxa ku jira Jaamiciyiinta Shaqo-qaran ee doortay inay ku biiraan Ciidamada kala duwan Qaranka, Asluubta, Booliiska, Badda, oo qaadanaya tababar sannad ah, waxa ku jira 10 hablood oo saraakiil noqonaya, tababarka Ciidanka-na waxba aan looga naxariisanayn.”


“Waxa jira saraakiil kala duwan oo tababaro ugu maqan dibedda, lix bilood ka dib ayuu tababarkoodu u soo dhamaan doonaa. Waxa dibeda tababar ugu maqan Farsamayaqaano, Injineero, Dhakhaatiir waxbarasho jaamacadeed heerka koowaad iyo labaad ah, sannadkana intaa oo kale ayaa noo qorshaysan Insha alaah”


“Sannadkan dhismayaal badan ayaa lagu kordhiyey kaabayaasha Ciidanka Qaranka, sannadkana waxa noo qorshaysan in guryo la seexdo iyo xafiisyo laga dhiso Ceerigaabo, waxa kaloo sannadkan la dhisi doonaa Cusbitaal Ingiriisku qalabaynayo, oo dhamaan Ciidamadu isticmaali doonaan.


Taliyaha Ciidanka Qaranka oo ka hadlayey hawlgaladii ciidanku sameeyey ayaa sheegay inay ugu badnaayeen Gobolka Sanaag, “Hawlgaladii Ciidanku sameeyey waxa ugu badnaa Gobolka Sanaag, shaqaaqadii Ceel-Afweyn iyo Dararweyne oo innagu fogaatay, Ilaahay mahadii nabad baa laga gaadhay, iyo shaqaaqadii innamadii la khadlay, oo nasiib wanaag imika Ciidanka Qaranka ka mid noqday.


“Ciidanka Qaranku meeshuu dego wuu camiraa, waxa tusaale ugu filan Tuka-raq iyo Yubbe manta waa magaalooyin waaweyn, dadka deegaankuna way garanayaan sidday ahaan jireen iyo markuu ciidanku gaadhay sidday noqdeen.


“Ciidanka Qaranka maanta jooga, Ilaahay baa siiyee, wuu ka akhlaaq, Anshax, Dishibiliin wanaagsan yahay, ciidamadii aan xukumi jirnay markii Koonfur (Soomaaliya) aynu joognay, wax aka markhaati ah shacabka. Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan Ciidanka Qaranka, Xaasaskooda sannadguurada 26-aad ee aasaaska Ciidanka Qaranka JSL, Ilaahay ka baryayaa inuu bashbash ku gaadhsiiyo sannadka xiga, Aamiin.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post