X
    Categories: Warar

Ciidanka Kumaandowsta Soomaaliya oo Sheegay inay Qabteen Xubno Al-shabaab ah Ajnabi ku Jiraan

Araweelo News Network

Gaalkacayo (ANN)- Ciidammada sida gaarka ah u tababaran maamulka Soomaaliya ee loo yaqaan Danab, ayaa sheegay in hawlallo ay ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku qabteen shan dagaalyahan midkood yahay ajnebi ka tirsanaa kooxda Al-shabaab shalay.
Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA oo xiganaysau abbaanduulaha millatariga Soomaaliya Jen. Cali Baashe Xaji Maxamed, ayaa baahisay in xubnaha ciidanku gacanta ku dhigeen uu ka mid yahay dagaalyahan u dhashay dalka Suudaan oo lagu magacaabo Siciid Cabdillaahi Abuukar (Al-suudaan), kaas oo Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada.
Jen. Cali Baashe waxa uu intaa ku daray in hawlgalka ciidanka kumaandowstu ku qabqabteen xubnahaas ay fuliyeen labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo u qaybsan tahay, sidii loogu talogalayna u dhaceen.
Kooxda Al-shabaab ayaan illaa hadda ka hadal sheegashada ciidammada Soomaaliya ee la xidhiidha qabashada xubno xoogagooda ka tirsanaa, sidoo kalena ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya jiritaanka arrintaas, marka laga reebo warka wakaaladda SONNA baahisay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post