Araweelo News Network
Saraakiisha Israa’iil, ayaa sheegtay inay xayawaanka (xoolaha iyo dameeraha) ka kaxaynayso waddooyinka si ay u yarayso shilal badan oo xooluhu sababaan, halka dadka reer Falastiin u arkaan in ay tahay khiyaamo iyo xeelad la damacsan yahay in xoolahooda lagula wareego, gaar ahaan dadka ku dhaqan degaan xuduudeedka isku xidha dalalka Urdun iyo Falastiin.
Inta badan dooxada Urdun waa meel biyo fiican leh oo dadka beeralayda ah tagaan, halka sidoo kale ay degaankaas ku sugan yihiin ciidanka Israa’iil oo ka dhigtay goobo difaac ah, waxayna si xoog ah u kaxaystaan xoolaha ay leeyihiin dadka rayidka ah ee Falastiiniyiintu.
Xayeysiiska loo sameeyey dameeraha la xaraashayo oo ku qornaa luqadda Carabiga, waxa uu ka soo baxay ciidanka Yuhuudda, iyadoo masuuliyiinta degaanku ay tilmaameen in dameer kasta lagu xaraashayo amma lagu iibinayo lacag dhan $526 doollar.
Unugga COGAT oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Israa’iil, kaasoo isku xidha dhaqdhaqaaqa Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa, ayaa sheegay in xayawaannada waddooyinka lagu arko ay khatar ku yihiin rayidka, isla markaana la wareegistoodu hoos u dhigayso shilalka ka dhaca waddooyinka.
Ciidanka Yuhuudda, ayaa sidoo kale la sheegay inay Falastiiniyiinta ku nool dhinaca xadka dalka Urdun ay kala wareegaan xoolaha nool, sida adhiga iyo weliba hantida guryuhu ka mid yihiin, halka marka ay bixin waayaan lacagaha ganaaxa ah ee lagu soo rogana laga baro-kiciyo degaanka ay ku nool yihiin.