X
    Categories: Warar

CIidamo Taageersan Guddoomiye Jawaari Oo La Wareegay Dhismaha Baaralamaanka Kadiba Garaacay Abaanduulaha ciidanka Dawladda

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Xiisada ka Aloosan Khilaafka dawladda Soomaaliya ee u dhaxaysa xukuumadda Iyo Guddoomiya Baarlamaanka Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa cirka Isku laalashay kadib markii dhimaha Baarlamaanka ay saaka la wareegeen ciidamo taageersan Jawaari.

Wadooyinka magaalada, ayaa inta badan la xidhay iyadoo Malayshiyaad kala duwan la wareegeen goobo muhiim ah, Isla Maraykana Boqolaal maleeshiyaad ah oo kala taageersan madaxda Dowladda Federaalka ayaa iyaguna isku xeeray dhismaha xarunta Baarlamaanka oo lafilayo inuu ka dhaco fadhi laysku khilaafsan yahay sharciyadiisa oo la doonayo in xilka lagaga qaado Prof. jawaari.

Mudanayaaasha taageersan Prof. Jawaari, ayaa saaka iyaga galay xili hore dhimaha Baarlamaanka, kadib markii Ciidamo taageersan Guddoomiye Jawaari gudaha u galeen dhismaha, Isla markaana xoog kula wareegeen, iyagoo  hubka ka dhigay Ilaalada Col. Cabdullaahi Cali Caanood, kaasoo ay jidh dil u geysteen oo  dhaawacyo la gaadhsiiyay. Sida ay sheegayaan dadka ka ag dhow dhismaha ee goobta ku sugan.

 

Dhinaca kale Madaxtooyadda Villa Somalia, ayaa gaadiid Tigniko ah Iyo ciidamo u dirtay dhimaha Baarlamaanka, kuwaas oo Ra’iisal wasaare Khayre ku amray inay la wareegaan dhimaha, waxaana laga cabsi qabaa in arrinta khilaafku isu bedesho dagaal dhiig ku daato.kadib markii lagu guulaysan waayay Isku dayo la doonayay in xiisado lagu dejiyo, iyadoo Guddoomiye Jawaari ku gacan saydhay soo jeedin xukuumadda kaga timi oo ahayd inuu is casilo.

Gebi ahaanba waxa la xidhay Wadooyinka Muhiimka ah, iyadoo dadka shacabka ah loo diiday saaka Wadooyinka halbawlaha ah, kuwaas oo ay awaamiir ka bixinayaan ciidamo kala taageersan labada dhinac ee Jawaari Iyo xukuumadda.

wixii kasoo kordha kala soco Araweelo Newx Network

 

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post