Araweelo News Network

Muuqaalka mid ka mid ah Wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho oo haawanaya

Muqdisho (ANNN)- Ciidammo gadoodsan oo ka tirsan millatariga dawladda taagta daran ee Soomaaliya, ayaa la wareegay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ciidanka gadoodsan oo ka cabanaya mushahar la’aan, ayaa ka dhaqaaqay xeryo tababar oo ku yaal xaafadda Buullo-xuubey ee Muqdisho, kadibna isku kala bixiyey inta badan xaafadaha caasimadda Soomaaliya, iyagoo joojiyey dhammaan hawlaha ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gadiidka.
Ciidammada gadoodsan waxa ay xidheen waddooyinka waaweyn ee KM4, Zobe iyo qeybo ka mid ah suuqa ganacsiga ee Buullo-xubeey oo ka mid ah suuqyada ugu dhaqdhaqaaqa badan ee ku yaal magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah saraakiisha horkacaya ciidanka cadhaysan oo warbaahinta kula hadlay Isgoyska KM4 oo ay xidheen, ayaa sheegay inay ka soo baxeen xerada tababarka millatariga ee Jasiira, isla markaana aanay muddo 15 bilood ah helin mushahar, sidaa daraadeedna u sameeyeen gadoodka.
Hase ahaatee, wadahadal saacado qaatay iyo ballanqaadyo masuuliyiinta sare ee ciidammada maamulka Muqdisho ku qanciyeen ciidanka gadoodsan kadib waxay dib ugu laabteen fadhiisamadoodii maqribnimadii xalay.
Waa gadoodkii ugu ballaadhnaa ee ciidammada maamulka Soomaaliya ka sameeyaan caasimadda Muqdisho, waxana tallaabadan lagu tilmaamay mid dhabar-jab weyn ku noqonaysa xukuumadda cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo hore u ballanqaadday in ay bixinayso mushaharooyinka ka maqan ciidanka iyo shaqaalaha dawladda.