X
    Categories: Warar

Ciidammo Ajnebi iyo Soomaali isugu Jira oo Weeraray Saldhig Al-shabaab ku Leeyihiin Koonfurta Soomaaliya

Araweelo News Network


Muqdisho (ANN)- Ciidammo isugu jira ajnebi iyo Soomaali, ayaa weerar qorshaysan ku qaaday saldhig Al-shabaab ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya saqdii dhexe ee habeennimadii Salaasada.
Ciidanka sida gaarka u tababaran ee maamulka taagta daran ee Muqdisho oo ay taageerayeen ciidammo ajnebi ah oo watay diyaaradaha qumaatiga u kaca, ayaa weerar culus la beegsaday fadhiisin dagaalyahannada Al-shabaab ku leeyihiin degaanka Toora-toorow oo u dhow degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dadka degaankaas ayaa saxaafadda u sheegay inay ciidammada wadajirka ah ee hawlgalka fuliyey la socdeen diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ay kaga degeen meel u dhow saldhigga kooxda Al-shabaab ee ku yaal degaanka Toora-toorow.
Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaal waqti kooban socday oo halkaas ku dhexmaray ciidammada huwanta ee weerarka geystay iyo Al-shabaab ee ku sugan fadhiisinka degaankaas.
Hase ahaatee, saraakiil ka tirsan maamulka dawladda Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay idaacadda VOA-da shalay, ayaa sheegay in hawlgalkaas khasaare dhimasho iyo dhaawac aannu tiradooda xusin loogu geystay xoogagga Al-shabaab.
Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la sheegay inay miinooyin badan ku aaseen hareeraha degaanka Toora-toorow oo ay dhowaan ka qabsadeen ciidanka maamulka Muqdisho, iyagoo hadba jihada ciidammada weerarka ku qaaday xabbadaha kaga ridaan ku qarxinayey miinooyinkaas.
Dhanka kale, war ka soo baxay kooxda Al-shabaab ayaa lagu xusay inay iska caabiyeen ciidammada dawladda Soomaaliya iyo kuwa shisheeyaha ee weerarka ku qaaday saldhigga dagaalyahannadooda ee Toora-toorow, balse ma sheegin khasaaraha dhankooda ka soo gaadhay hawlgalkaas.
Degaanka Toora-toorow ee Gobolka Shabeellada waxa haatan ka taliya Al-shabaab oo ku leh fadhiisin weyn, halkaas oo millatariga dawladda Soomaaliya oo ay taageerayeen xoogag ajnebi ah oo la rumaysan yahay inay Maraykan yihiin dhowr jeer oo hore la beegsadeen weerarro qorshaysan oo dhaliyey khasaare kala duwan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post