X
    Categories: Warar

Ciidammada Somaliland oo Gaadhay Degaannada Gobolka Togdheer ee ku Yaal Xuduudka Itoobiya

Araweelo News Network

Burco (ANN)Cutubyo ka tirsan ciidammada Qaranka iyo Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, ayaa markii ugu horreysay gaadhay degaannada Gobolka Togdheer ee ku teedsan xuduudka Itoobiya habeennimadii Sabtida.
Badhasaabka Togdheer Mr. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo ay weheliyaan Maayirka Burco iyo taliyeyaasha ciidammada qaranka iyo booliska Somaliland, ayaa iyaguna gaadhay degmada Ballidhiig oo ku taal xuduudka Gobolka Togdheer la wadaago dalka Itoobiya shalay, halkaas oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan ciidanka.
Badhasaab Qabo oo isagoo ku sugan degmada Ballidhiig khadka telefoonka kula xidhiidhay Jamhuuriya shalay, ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho u-kuurgalidda xaaladda degaannada ku yaal xuduudka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya oo uu xusay inay maalmihii u dambeeyey ka imanayeen cabshooyin ku aaddan ciidammada Liyuu Booliska dawlad-goboleedka Soomaalida Itoobiya oo ku soo noqnoqonyey degmadaas iyo degaannada hoos yimaad.
Waxa kaloo Badhasaabka Gobolka Togdheer xaqiijiyey in cutubyo ka tirsan ciidammada qaranka iyo booliska oo wata gaadiidka dagaalka ay gaadheen degaannada gobolkiisa ee ku teedsan xuduudaha, “Taas oo looga jeedo,” ayuu yidhi, “adkaynta ammaanka degaannadaas.”
Mr. Qabo waxa uu intaa ku daray, inay weftigiisu maalmaha soo socda ku sugnaan doonaan degaannada xuduudka ku yaal ee Gobolka Togdheer, isla markaana kormeeri doonaan xaaladaha dadka halkaas ku dhaqan.
Ciidanka Liyuu Booliska Kililka 5aad ee Itoobiya, ayaa calanka Jamhuuriyadda Somaliland ku gubay gudaha degmada Ballidhiig ee Gobolka Togdheer maalintii Jimcaha, iyadoo arrintaasina si weyn uga cadhaysiisay dadka degaankaas, kana abuurtay xiisado adag.
Sidoo kale, ciidanka Liyuu Booliska ayaa maalmihii u dambeeyey si joogto ah ugu soo noqnoqonayey degaannada Gobolka Togdheer ee ku yaal xuduudka ay wadagaan waddamada Somaliland iyo Itoobiya, kuwaas oo sida la sheegay cago-juglayn iyo hanjabaado fara badan ku haya dadweynaha degaannadaas, waxana tallaabooyinkaas ka dhashay dareen cadho leh iyo xiisad kulul oo ka abuurantay dhulkaas.
Ciidanka Liyuu Booliska ayaa 25 qof oo rayid ahaa ku dilay tuulada Jaamac Dubbad oo ka tirsan degaanka Gaashaamo ee gudaha dalka Itoobiya toddobaadkii hore.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post