X
    Categories: Warar

Ciidammada NATO oo Gacanta ku Dhigay Doonni Hub u Sidday Soomaaliya

Araweelo News Network
Muqdisho(ANN)Maraakiibta dagaalka dalalka NATO ee ku sugan xeebaha Badweynta Hindiya, ayaa gacanta ku dhigay doonni hub aad u badan u sidday waddanka colaaduhu aafeeyeen Soomaaliya.
Markab dagaal laga leeyahay Faransiiska ayaa ku qabtay doonnida hubka u sidday Soomaaliya oo maraysay xeebaha woqooyiga Badweynta Hindiya maalintii Isniinta ee toddobaadkan.

War ka soo baxay taliska ciidammada Faransiiska ayaa lagu sheegay in doonta ciidankoodu qabteen oo ku sii jeedday Soomaaliya ay sidday hub fara badan oo isugu jira qoryaha fudud ee AK47, boobayaasha culus, miinooyinka dhulka lagu aaso iyo saanad kale oo millatari.
Shaqaalaha doonta hubka lagu qabtay ayaan illaa hadda shaacin dalalka ay ka soo jeedaan, maadaama sida la sheegay aanay wadan wax dokumanti ah.
Bilowgii bishan March 2016 ayaa sidan oo kale markab ciidammada badda ee Australia leeyihiin oo ka tirsan gaashaan-buurta NATO gacanta ku dhigeen doon hub aad u badan u sidday dalka Soomaaliya, iyadoo looga shakisan yahay in hubka doonyaha la qabtay sideen uu u socday kooxda Al-shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.

Soomaaliya waxa saaran xayiraad dhanka hubka ah, kaas oo dib loo cusbooneysiiyey sannadkii hore, waxana biyaha badda ee dalkaas ku sugan maraakiib shisheeye oo ku hawlgala magaca la-dagaallanka budhcad-badeedda.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku bogaadiyey ciidammada badda ee Faransiiska doonnida hubka sidday ee ay ku qabteen Badweynta Hindiya.
“Waa war lagu farxo, in ciidammada Faransiisku ay gacanta ku dhigeen doon sidday hub si sharci-darro ah la doonayey in dalka lagu soo geliyo. Waa hubaal in hubkani uu ku socday qas-wadayaasha. Waxaan kaloo bogaadinayaa ciidammada Australia oo dhowaan gacanta ku dhigay hub kale oo loo soo waday Soomaaliya,’’ ayuu yidhi Xasan Sheekh oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho gelinkii dambe ee shalay, isagoo tallaabadaasna ku tilmaamay mid gacan ka geysanaysa xasilloonida gobolka oo dhan.
Ugu dambeyn, waxa ugu ugu baaqay beesha caalamka in ay sii wadaan hawl-gallada lagaga hortagayo hubka sharci-darrada ah ee Soomaaliya ku qul-qulaya, “si,” buu yidhi; “loo cidhibtiro kooxda Al-shabaab ee khatarta weyn ku haysa nabadda iyo xasilloonida.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post