X
    Categories: Warar

Ciidamadda Somaliland Oo Ku Ruqaansaday Xadka Kulaalaya Magaalada Garoowe Oo Madaxweynaha Soomaaliya Booqasho Ku Yimi

Araweelo News Network

Garoowe(ANN)-Ciidamada qaranka  Somaliland, ayaa saaka waaberigii ku ruqaansaday xadka ay Somaliland la wadaagto maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Ciidamadda Somaliland, ayaa gaadhay Magaalada Tuka-raq oo qiyaastii u jirta Magaalada Garoowe 40km, iyadoo Wararka qaar sheegayaan in lagu  dagaallamay deegaanka  lagu magacaabo God- qaboobe oo ah Duleedka Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ka xigga degaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo  ciidamada Somaliland ay la wareegeen saaka waaberigii.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka dagaalka ah ayaa ah mid xooggan, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalka, ayaa ku dhowaaday Magaalada Garoowe oo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ku sugnaa, iyadoo dadka ku dhaqan Magaalada Garoowe cabsi weyn soo waajahday.

 

Waxa Jira warar sheegaya inuu jiro  in ay jiraan Khasaare Dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaasi ka dhashay, balse lama xaqiijin inta uu leegayahay.

Puntland ayaa ciidamo u dirtay degaankaasi Markii Somaliland ay la wareegtay deegaankaa oo ka mid ah xadka dhinaca Soomaaliya ay Somaliland kala wadaagto.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post