X
    Categories: Warar

Ciidamadda Kenya Oo Ka Guuray Madaarka Diyaaradaha Ee Kismaayo Iyo Saldhigyo Kale

Araweelo News Network

Kismaayo(ANN)Ciidamadda Dalka Kenya ee ku sugana Madaarka Magaalada Kismaayo, ayaa iskood uga guuray fadhiisin ay ku lahaayeen halkaa saaka aroortii hore. sidaana waxa shebekadda waraeka ee Araweelo News Network u xaqiiyay warar kala duwan oo laga helay dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegay in Ciidamada Kanya ee fadhiisinka ku lahaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ay iskood uga guureen, isla markaana isugu urureen oo ay degeen jaamacada Magaalada Kismaayo.

Lama ogga sababta ay Ciidamadani uga guuren garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, isla markaana ma cadda inay kusii negaanayaan halkaa iyo inay ka guuri doonaan, balse waxay arrintan kusoo beegantay, iyadoo Ciidamada Kenya maalmihii lasoo dhaafay ay ka baxeen dhawr goobood oo istiraatiiji ahaa oo ay fadhiisimo ciidan ku laahyeen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Deegaamada Buula guduud oo dhacda Duleedka Waqooyi ee Magaalada Kismaayo oo ay shalay ka guureen iyo sidoo kale saldhigyo ay ku lahaayeen Gobolada Geddo Iyo Jubada Hoose oo ay maalmihii lasoo dhaafay ka guureen, kuwaas oo ka mdi ahaa meelaha ay Ciidamada Kenya kaga sugnaayeen Soomaaliya.

Si dhab ah looma ogga sababta ay Ciidamadda Kenya saldhigyo baddan oo muhiim ah u baneeyeen maalmihii lasoo dhaafay iyo in arrinatani tahay mid horseed u ah qorshe ay ku doonay inay Kenya ciidamadeeda kagala baxdo Somalia, balse sarkaal laba maalmood ka hor u hadlay Ciidamada Kenya, ayaa sheegay in aanay ka baxayn Somalia ee ay guur-guurista ciidanku tahay arrimo ciidan.

Hase yeeshee waxay dhaq-dhaqaaqa Ciidamada Kenya iyo saldhigyada ay ka baxeen kusoo beegantay maalmo ka dib markii ay kasoo wareegtay wax ka yar laba todobaad weerrrar si weyn loogu xanuujiyay oo Al-shabaab ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada nabad Ilaalinta ku magcaaban ee Kaneya, iyadoo xarakada Al-shabaab sheegatay weerrarkaa oo ay sheegeen inay Kenya kaga dileen in ka badan 100 askari deegaanka Ceelcade ee gobolka geddo, isla markaana kuwo kale nolosha ku kaxaysteen, taas oo sababtay inay Kenya saldhigyo dhawr ah oo ay ku lahayd meelo kala duwan ka guurto, kuwaas oo Al-shabaab la wareegtay markii ay ka baxeen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post