X
    Categories: Warar

Ciidamadda Kenya Oo Iskaga Baxay Deegaanka Ceel-cadde Kadib Markii Al-shabaab Ku Gummaaday

Araweelo News Network


Geddo-(ANN)Ciidamadda Kenya, ayaa gebi ahaanba iskood uga baxay deegaanka Ceel-cade ee gobolka Geddo Koonfur galbeed Somalia. Kadib markii in ka baddan Boqol askarta Kenya todobaadkii hore lagu dilay xerro ay Ciidamadda Kenya ku lahaayern halkaa.
Sarkaal u hadlay Ciidamadda Kenya, ayaa xaqiijyay inay Ciidamdoodu ka baxeen halkaa, balse wuxuu ku tilmaamay sababta ay uga baxeen degaankaa mid la xidhiidha dabeecaddaha ciidanka ee aanay taas macneheedu ahayn inay ka baxayaan Somalia.
Dadka deegaanka ayaa soo dhoweeyay bixitaanka ciidaadda Kenya ee deegaanka Ceel-cade oo maalmihii u danbeeyay dagaalo ku dhexmarayeen Ciidamadda Kenya iyo Al-shabaab, iyadoo ciidamadda Kenya weerraro dhinaca cirka ah oo ay ka fuliyeen halkaas, kuwaas oo loogu aargudayay weerrarkii u danbeeyay ee Al-shabaab ka fuliso deegaankaa oo sababay ku dhowaad boqol Askarteeda ah oo lagu dilay werrrarkaa iyo qaar ka mid ah askartooda oo la waayay geeri iyo nolol meel ay ku danbeeyeen.
Deegaanka Ceel-cade oo ah deegaan istiraatiji ah, waxa dhowaan ka qaxay dadkii degaanka, kuwaas oo ciidamadda Kenya ku canbaareeyay inay dhibaatooyin ku gaadhsiiyeen weerrarada dhnaca cirka, kuwaas oo dadka deegaaku sheegeen in aanay Kala soocin dadka I yo xoolaha, island markaana waxay duqaymaha dhinaca cirka ee Kenya ka wado halkaa ku tilmaameen mid axmaqnimo ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post