X
    Categories: Warar

Ciidamadda AMISOM Oo Lagu Amray Inay Fuliyaan Qorshaha Ka Bixidda Soomaaliya

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Taliska ciidamadda  AMISOM ayaa markale ku celiyay fulinta qorshaha ay hore u balanqaaday ee ahaa inay ka baxayaan Soomaaliya, taas oo qayb ka ah qorshaha lagu dhimayo ciidamadooda ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Saraakiisha AMISOM

Hoggaanka AMISOM ayaa amar lagu siiyay saraakiisha ciidamada in ay sii wadaan dhimista ciidamadda, sida uu sheegay Ku xigeenka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ninka lagu magacaabo Simon Mulongo ayaa sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii ay u fulin lahaayeen xeerkii Golaha amaanka ee Qaramada Midoobe ee amrayay Ururka Midowga Afrika in ciidamadiisa uu kala baxo Soomaaliya inta aan la gaadhin sanaddii 2020-ka.

Saraakiisha AMISOM

Mr. Simon Mulongo ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay isugu yimideen taliye qeybeedyada AMISOM  oo lagaga hadlayay xaaladda amniga ee  Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay in ay isku tashato oo ay dhisato ciidamo awood leh oo la wareegi kara magaalooyinka ay ka bixi doonaan ciidamada AMISOM “Muhiimadayadu waa in aan Soomaaliya gaadhsiinaa marxaladda doorasho qof iyo cod ah sidaas oo ay tahay waxaan amar ku siinay Taliyayaasha AMISOM in ay dedejiyaan qorshaha ka bixitaanka Soomaaliya, iyagoo fulinaya xeerkii UN-ka” ayuu yidhi Simon Mulongo.

Sarkaalkaa, ayaa sheegay  in 1,000 Askari oo AMISOM ah ay ka bixi doonaan Soomaaliya Bisha October ee 2018,halka ciidamo gaadhaya Kun askari ay sanaddii lasoo dhaafay ka saareen dalka wuxuuna carrabaabay in dhismaha ciidamadu ay si tartiib tartiib ah kusii socon doonto.

AMISOM! ayaa marar hore shaaciyay Inay ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya, balse weli waxay ku doodayaan Inay fuliyaan qorshohooda ku waajahan ka bixitaanka Soomaaliya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post