X
    Categories: Warar

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay 51 Doonyood Iyo Markab Sharcidaro U Guranayay Khayraadka Dalka

Berbera(ANN) Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland, ayaa ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan 51 Doonyood oo kuwa Kaluumaysiga ah iyo Markab si sharcidaro ah u guranayay khayraadka dalka.

Sidaana waxa sheegay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan, wuxuuna xusay inay kasoo qabteen gaadiidkaa oo ka kooban 51 Doonyood oo laga leeyahay dalka Yaman iyo Markab oo dhamaantood si sharcidaro ah uga ugaadhsanayay Badda Somaliland, gaar ahaan Xeebta u dhaxaysa Lughaya oo dhinaca Galbeedka ah iyo Maydh oo dhinaca Bariga ah, masaafo dhan 700km.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ku dhowaad , wuxuu sheegay in Ololahaa ay Ciidankiisu ku guulaysteen inay kusoo qabtaan gaadiidkaa oo ka mid ah kuwa xaalufiyay xeebaha Somaliland gaar ahaan kaluunka, iyadoo gaadiidkaa iyo dadkii saarnaa oo dhan 257 qof la horgaynayo sharciga.

Maaha markii u horaysay oo ay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland soo qabtaan gaadiid si sharcidaro ah uga Kaluumaysanayay xeebaha Somaliland, balse marar baddan ayaa sidan oo kale loo qabtay, kuwaas oo inta baddan ka yimaada dhinaca Dalka Yaman, isla markaana lasiidaayo, balse lama ogga xiligan inay xukuumadda Somaliland la wareegay gaadiidkaa iyo inay sii daynay sidii hore u dhici jirtay.

Kaluumaysatada Somaliland, ayaa marar baddan ka cawda gaadiidka sida sharcidarada ah uga kaluumaysta xeebaha dalka iyo gaadiidka kale ee loo fasaxo, kuwaas oo qaab khaldan oo aan waafaqsanayn nidaamka iyo shuruucda kaluumaysiga u gurta khayraadka dalka, isla markaana qaarkood xaalufin ku sameeyaan goobaha uu ku baddanyahay Kaluunku ee deegaanka u ah iyo meelaha uu dhigto ugxaanta.
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post