X
    Categories: Warar

Ciidamada AMISOM Oo Ka Hadlay Askar Soomaali Ah Oo Ay Dileen

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Taliska Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, ayaa ka hadlay dilkii habeen hore ay Magaalada Muqdisho ciidankoodu ugu geysteen Askari ka tirsanaa ciidamada Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya oo ku sugnaa Barkontorool.

Askarta dillka geystay, ayaa ka tirsanaa ciidamada dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Gen Paul Lokech oo ah Taliyaha ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in falka dilka ah uu dhacay markii ay loo diiday in ay maraan wadada, islamarkaana ay la xidhiidheen taliyeyaasha Hay’adda Nabad suggida ee halkaasi heystay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Shilka uu dhacay Markii ay xabadda bilaabeen ciidamo ka tirsan Nabad Suggidda Soomaaliya ee ku sugan Kontoroolka ay doonaayeen in ay maraan, laakiin halkaasi uu ka dhashay Khasaare.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in israsaaseyn dhexmartay labada ciidan ay ku dhaawacmeen dad Shacab ah.

Kolonyo ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa isku dayay in ay maraan barta Kontorool oo ku taalla wadada tagta Garoonka Diyaaradaha gaar ahaan halka loo yaqaano Biyo dageenka, waxaana is hor istaag ku sameeyay Askari ka tirsan Ciidamada Nabadsuggida Soomaaliya.

AMISOM Waxa ay sheegtay in falka ay sameeyeen ciidamadooda uu u muuqday mid Isdifaacid ah.

Qaar ka mid ah Eheladda Askariga ay dileen ciidamada AMISOM ayaa warbaahinta u sheegay in ay doonayaan in caddaaladda la horkeeno Askartii ciidamada AMISOM ee falkaasi ka dambeeyay.

Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka weli kama hadlin falkan geysteen Ciidamada AMISOM, sida la ogson yahay AMISOM , ayaa inta badan dhibaato u geysta dadka shacabka ah.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post