X
    Categories: Warar

Ciidamada Amaanka Kenya Xabsiga Dhigay Dad Ajaanib Loo Haysto Fal-dambiyeed Dhanka Internet-ka ah

Araweelo News Network

Nairobi (ANN)Ciidammada ammaanka ee dalka Kenya, ayaa xabsiga u taxaabay 41 qof ajnebi ah oo lagu eedeeyey inay ku hawlanayeen aasaasidda xarun isgaadhsiineed oo casri ah oo lagu farsamaynayey guri ku yaal gudaha xaafadda Runda ee magaalada Nairobi maalintii Jimcaha ee toddobaadkan.
Dadka ajnebiga ah ee ciidammada Kenya xabsiga u taxaabeen waxay isugu jiraan 9 dumar ah, 32 rag ah oo 22 ka mid ah u dhasheen dalka Shiinaha, halka 19 kalena ka soo jeedaan waddanka Taiwan.
Agaasimaha Waaxda Dambi-baadhista Kenya Mr. Ndegwa Muhoro oo horkacayey saraakiil sare oo ka tirsan laamaha ammaanka ee dalkaas, ayaa hawlgal ay ku fuliyeen ku qabtay dhowr aaladood nooca isgaadhsiinta ah oo ay ku jireen 14 kombiyuuttada gacanta lagu qaato (laptop), siddeed moobil iyo qalabka oo muhiim ah oo yaallay guriga dadkaasi deggaanaayeen.
Sidoo kale, Muhoro ayaa sheegay inay baacsanayaan milkiilaha gurigaas iyo ruux Kenyan ah oo dadkaas waddanka soo galiyey.
Muwaaddiniinta shisheeye ayaa sida ku cad baasaboorrada ay siteen waxay haystaan muddo 3 bilood ah ay booqasho ku joogayaan Kenya, waxana haatan la baadhayaa wixii ay damacsanaayeen.
Ajnebiga la xidh-xidhay ayaa la sheegay in qofkii ugu horreeyey dalka Kenya galay 18-kii bishii February ee sannadkan 2016, halka uu kii ugu dambeeyeyna tegay 1dii bishan April.
Booliska ayaa sheegay in macluumaadka ku saabsan arrimaha ajnebiga ay xidheen u soo gudbiyeen bulshada ku dhaqan xaafadda Runda oo ka shakiyey dhaqdhaqaaqa dadka la tuhunsan yahay.
Sida lagu sheegay baadhitaanno horudhac ah oo demb-baadhayaasha Kenya soo saaareen, eedeysanayaasha ayaa aasaasayay xarun talis ah oo laga hago isgaadhsiinta, taasoo la doonayey in lagu xidho mid ka mid ah qolalka guriga ay degganaayeen si ay qorshahooda uga fuliyaan.
Baadhayaal ka socda ciidammada waaxda CID-da ee qaabilsan tignooliyadda iyo kombuyuutarrada, ayaa gacanta ku haya baadhista kiiska loo haysto ajnebiga loo xidh-xidhay tuhunnada la xidhiidha ammaanka.
 Xarun weyn oo talis isgaadhsiin ah oo carqaladeyneysay nidaamka isgaadhsiineed dalka Kenya oo dhan ayaa lagu qabtay xaafadda Runda ee caasimadda Nairobi sannadkii 2014.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post