X
    Categories: Warar

Ciidamada Amaanka Ee Maamulka Muqdisho Oo Xabsiga U Taxaabay Weriyeyaal Ka Tirsan Telefishinka Caalamiga Ah Ee Aljazeera Iyo Sababaha Loo Xidhay

Araweelo News Network

Muqdisho (ANN)- Ciidammada ammaanka maamulka taagta daran ee Muqdisho, ayaa xabsiga u taxaabay laba weriye oo ka tirsan telefishanka caalamiga ah ee Aljazeera saqdii dhexe ee habeennimadii Arbacada.
Ciidanka Nabad-sugidda ee magaalada Muqdisho, ayaa xabsiga dhigay weriye Xamse Maxamed iyo sawir-qaade Nuur Maxamed oo telefishinka Aljazeera oo laga leeyahay waddanka Qatar uga soo.warrami jiray dalka colaaduhu naafeeyeen ee Soomaaliya.
Ma jiro war rasmi ah oo dawladda Soomaaliya ka soo saartay xadhigga suxufiyiinta ka hawlgala telefishanka caalamiga ee Aljazeera. Hase ahaatee, warar xogogaal ah ayaa xaqiijiyey in tallaabada lagu xidhay weriyeyaashu ka dambaysay kadib markii maamulka Muqdisho dhibsaday warbixin ay ka diyaariyeen dagaal khasaare ballaadhan geystay oo xoogagga Al-shabaab ku qabsadeen magaalada Afgooye oo ku dhow caasimadda maalintii Salaasada.
Labada suxufi ayaa la sheegay in ciidammada ammaanku ka qabteen duleedka Muqdisho xilli ay ka soo laabteen degmada Afgooye oo dagaal qadhaadh ku dhexmaray ciidammada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah dagaalyahannada kooxda Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday magaaladaas.
Weriye Xamse Maxamed ayaa warbixinno iyo barnaamijyo xiiso leh oo laga baahiyo telefishanka uu ka tirsan yahay Aljazeera inta badan ka diyaariya duruufaha nololeed ee bulshada danyarta ah ee ku dhawan Soomaaliya iyo guud ahaan wararka ku saabsan dagaallada iyo dhacdooyinka siyaasadeed ee ka socda dalkaas.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post