X
    Categories: Warar

“Cid Dood Igu Casuuntay Ma Jirto, Ninka Inaanu Doona Rabaa Duhur Cad Ha Soo Diyaar Garoobo” Musharax Cabdiraxmaan Ciro

Araweelo News Network

Cabdiraxmaan Crro

Hargeysa(ANN) – Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa sheegay in aanay jirin cid la soo hadashay iyo cid dood ku casuuntay toona, waxaanu tilmaamay in cidii dood doonaysa uu diyaar u yahay hadh cadd.

Mudane Cabdiraxmaan Ciro, Musharaxa Xisbiga Waddani ayaa intaasi ku daray in Wasaarada Waxbarashadu ay xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye ay ka tirsan tahay, isla markaana aanay iyadu dood u qaban karin Musharixiinta saddexda xisbi, balse ay dooda Musharaxiinta qaban karaan oo kaliya Telefishan ama hay’add Cimiyeed.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Musharax Cabdiraxmaan Ciro waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay u waramayey Warbaahinta Somaliland, markii ay soo baxeen Wararkaasi beenta ah ee shacabka isla dhex marayey, isagoo arintaasi ka hadlaya Musharaxu waxa uu yidhi “Doodaa cidi ugama soo wargalin, Cidina iguma casuumin, la’iimana soo sheegin, dadbaa isoo waydiiyey inay halkaa ka jirto doodi, Wasaarada Waxbarashaduna imay casuumin, madalina imay casuumin, qof ila soo hadlayna ma jiro, raga la yidhi meeshay ka hadleen oo way ka cudurdaarteen, maba cudur daaran waayo la iimaba sheegin.

Markaa intaas ayaan u sheegayaa shacbiga, ninkii dood doonayaa hadh cad ha soo diyaargaroobo, maalin cad ha soo diyaargaroobo. Doodahana si baa loo qabtoo ama Telefishan ayaa qabta ama hay’add Cilmi baa qabata, Wasaarad Dawladdu leedahay ma qabto dood, Wasaaradu xukuumaday ka tirsan tahay, Xisbi bay ka tirsan tahay, Wasiirku xisbi-buu ka tirsan yahay.

Waxay u ekayduun meel Kulmiye ka botorinayey sida la ii sheegay, markaa diyaar ayaanu u nahay dood, hadhcad ayaanu diyaar u nahay dood, waxaananu jecelnahay cidii dooda qabanaysa in wakhti ku munaasib ah ay na ogaysiiso.” Ayuu Yidhi Musharax Cabdiraxmaan Ciro.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post