X
    Categories: Warar

China Oo Maalgeliyay Mashruuc $ 470 Milyan Ku Kacay Oo Lagu Yagleelay Tareeno Isaga Gooshaya Caasimadda Ethiopia

Addi’s-Ababa(ANN)Dawladda Ethiopia, ayaa shaacisay inay magaalada Addis- Ababa ka bilawday khad tareen oo magaalada gudaheeda ka shaqaynaya, kaas oo ah mashruuc cusub oo uu maalgeliyay Bangiga Shiinaha ee loo yaqaano Export Import Bank of China.

Khadka Tareenada, ayaa isticmaalaya Koronto, waxaana ku baxday $ 470 milyan oo lacagta Marayka ah, Tareenadan oo isugu jira kuwo leh Midabo cadiin iyo cagaar ah iyo kuwo Buluug iyo cadaan ah waxay ka shaqayn doonaan 34 km oo magaalada gudaheeda, waxaana lagu qiyaasay inay halkii saac qaadi karaan 60 kun oo rakaab ah.
Dad lagu qiyaasay hal milyan oo qof, ayaa la sheegay inay maalintiiba adeegsan doonaan, iyadoo qiimaha lagu raacayo uu noqon doonaa wax ka yar doolar badhkii, $ 50 cent.

Qorashaha Mashruucan, ayaa noqday mid si weyn u iftiimiyayay saamaynta iyo raadadka horumarka dhinaca dhaqaallaha ee Dawlada China ku leedahay Afrika, iyadoo khadka cusub ee Tareenada oo ay dhiseen Khuburo China ah.

Xukuumadda Ethiopia oo soo dhowaysay mashruucan, ayaa sheegtay in tareenadani ay shaqayndoonaan 16 saacadood maalin kasta, isla markaasna ay wax wayn katari doonaan saxmada iyo cidhiidhiga ka jira wadooyinka magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post