X
    Categories: Warar

Ceergaabo: Hooyo Dhashay Lix Caruur Ah Oo U Geeriyootay Cudurka Jadeecadda Markii Ay Weyday Gurmad Caafimaad Iyo Daraasiin Kale Oo La Jiifa Cudurkaa

Ceergaabo(ANM)Hooyo dhashay Lix Caruur ah oo magaceeda lagu sheegay Safiya Iidle Daamur, ayaa u geeriyootay Cudurka Jadeecadda ee badhtamihii bishii hore ka dilaacay deegaamo ka tirsan gobolka Sanaag ee xaruntiisu tahay magaalada Ceergaabo.
Haweenaydaa, ayaa shalay ku geeriyootay deegaanka Ceeryaan oo dhinaca Koonfur kaga beegan magaalada Ceergaabo, dadka deegaanka, ayaa sheegay in aanay wax gurmad caafimaad ah ka helin wasaaradda Caafimaadka Somaliland tan iyo mudadii uu Cudurka Jadeecaddu ka dilaacay halkaa, waxayna qaar ka mid ah dadka deegaanka oo lasoo xidhiidhay shebekada Araweelonews u sheegeen in dad baddan u jiifaan cudurka Jadeecadda , kuwaas oo u baahan gurmad caafimaad oo deg deg ah.
Sidoo kale Laba qof oo xaaladoodu liidato, ayaa maanta loola cararay dhinaca magaalada Ceeraabo, kuwaas oo ahaa qoy ka mid ah dadka deegaanka ee Cudurka Jadeecaddu haleelay, waxaana labadaa qof la geeyay Cusbitaalka, balse waxa laga dayrinayaa xaalada dadka bukaanka ah ee u jiifa cudurkaa deeganka Ceeryaan, kuwaas oo aan haysan adeeg caafimaad, isla markaana aan weli wax gurmad ah ka helin wasaaradda Caafimaadka iyo maamulka gobolka.
Badhtamihii bishii January 2015, waxa Cudurka Jadeecadda ugu geeriyooday deegaamo ka tirsan gobolka Sanaag ilaa inta la ogyahay tobaneeyo qof, iyadoo waqtigaa boqolaal qof oo deegaamo kala duwan oo u baddan dadka reer guuraaga ah la jifeen Cudurkaa.
Deegaamada bariga Somaliland, ayaa ah kuwo adeegyada aasaasiga ah ee Caafimaadka, waxbarashadda iyo Biyuhu ay aad u hooseeyaan, kuwaas oo aan meelaha qaar ka jirin, iyadoo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xiligii Ololaha dhawr sanadood ka hor balanqaaday inay wax ka qabanayso, balse waxay balanqaadyada iyo kuwo ka danbeeyay oo Madaxweyne Siilaanyo iyo Masuuliyiin ka tirsan xukuumadiisu safari ku mareen meelo ka mid ah deegaamadaa noqdeen kuwo aan waxba ka hirgelin oo layska ilaabo marka lagu soo laabto Hargeysa, isla markaana la xusuusto baahiyaha iyo tabashooyinka dadka deegamadaa xiliga Ololaha oo keliya.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post