#Araweelo_News_Network

Ceergaabo(ANN)-Magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa lagaga dhawaaqay Fagaaraha Beetta Nuura Baaq nabadeed oo lagu daminayo Collaada maalmihii u danbeeyay ka aloosantay oo sababtay dhimasho tobaneeyo qof, taas oo abuurtay jawi xasiloonidaro oo ku khasbay inay dad badan ka qaxaan guryahooda.

Garaad Cabdullaahi Garaad Ismaaciil oo ka mid ah kuwa ugu facweyn madaxda Dhaqanka ee Gobolka Sanaag iyo Sool, isla markaana xaruntiisu tahay deegaanka Sarmaanyo oo ay weheliyaan Madax dhaqameed iyo Odayaal kale ayaa dhankooda Sabtidii shaaciyay Baaq nabadeed oo ku waajahan Bulshada gobolka Sanaag, gaar ahaan Magaalada Ceergaabo. (Halkan KA EEG).

 

Dhankooda Salaadin, Cuqaal iyo wax garad ku hawlanaa kaalintooda Nabada ee Ceergaabo iyo sidii loo hakin lahaa collaadda aannay cidna dani ugu jirin ayaa maanta Shaaciyay baaq nabaddeed oo lagu xakamaynayo colaadda.

Muuqalada halkan ka daawo

 

https://www.facebook.com/share/v/17v2i9SKYRzqHGwZ/?mibextid=sPqcTx