Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in goonni-isu-taaga Somaliland tahay hadafka koowaad ee loo aasaasay xisbigooda, isagoo dacaayad iyo been-abuur ku tilmaamay warar ku xidhiidhay inay kulan la yeesheen Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya.
Wargeyska magaciisa lagu sheegay The Star ee ka soo baxa dalka Kenya, ayaa Jimcihii toddobaadkan baahiyey war ay ku sheegeen in Guddoomiyaha WADDANI iyo weftigiisii safarka ku tegay Kenya ay Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Mr. Cumar Cabdirashiid Sharmarke kula kulmeen hudheelka Sarena ee magaalada Nairobi, iyadoo kulankaasna lagaga wadahadlay sidii mar labaad la isugu keeni lahaa Somaliland iyo Soomaaliya.
Hasa yeeshee, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey taageerayaal ku biiray xisbiga WADDAN, waxa uu tilmaamay in wararka noocaas ah yihiin dacaayad uu sameeyey xisbiga KULMIYE.
“Waxa aad moodaa in taladii KULMIYE ay caal-waa noqotay maanta, waxayna ku mashquuleen inay sawirro isku kab-kabaan oo been ka sameeyaan xisbiga WADDANI, waxaanan leeyahay xisbiga WADDANI wixiisu wuu cadyahay, haddii uu tago Nairobi amma dibadda ha u baxo amma gudaha ha joogo, barnaamij cad oo siyaasi ah ayuu doonayaa inuu dalkan ku hoggaamiyo,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Waxaannu intaas ku daray; “Ceeb ayey Somaliland ku tahay in la yidhaahdo Soomaaliya ayaa lagu kabayaa mar labaad, waxaanan is leeyahay waxa ay wax u dhimayaan Somaliland, laakiin WADDANI waxba u dhimi maayaan, madaxdiisana waxba u dhimi maayaan, balse himilada dadka ayey ceeb ka sheegayaan. Barnaamijka xisbiga ayey ku taal in hadafka koowaad ee barnaamijka siyaasiga ah waa doonista goonni-isu-taaga Somaliland, waxay ila tahay qaar ayaa u marmarsoonaya inay tagaan Xaman ee ha iska tageen, qaar kaloo horeba way tageene.”
Guddoomiye Cirro, ayaa sidoo kale ka hadlay gurmadka abaaraha, waxaannu yidhi; “Xisbi ahaan waxa aannu diyaar u nahay in aannu shacbiga u gurmano, waxaanad ka warqabteen gurmadkii aannu ka gaysanay beesha caalamka ee aannu ugu tagnay in la taageero shacbiga reer Somaliland ee abaartu ku dhacday, inkastoo xukuumaddu halka ay ka taageeri lahayd ay ka xumaatay.”
“Waxa aannu leenahay arrinta doorashada mar walba mudnaanta hala siiyo abaarta iyo gurmadka shacabka, waxaanan caddaynaynaa in mawqifka xisbigu yahay doorasho waqtigeedii lagu qabto, arrintana doorashadana qabashadeeda iyo maamulkeeda waxa aannu u daba fadhinaa Guddida Doorashooyinka Qaranka.”
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ayaa sidoo kale ka hadlay sicir-bararka saamaynta ku yeeshay bulshada Somaliland, waxaannu yidhi; “Waad ka warqabtaan halka uu marayo sicir-bararku, meel naxdin leh ayuuna marayaa, halka uu xisbiga KULMIYE wax ka qaban lahaa sicir-bararka, waxa uu marka hore kaga mashquulay olole, marka labaad waxa aannu u soo jeedinaynaa in arrinta sicir-bararku ay qof taabatay oo ay ciidammada qaranka iyo qoysaskooda taabatay, waxa kaloo uu taabtay shaqaalaha dawladda iyo danyarta, waxaanan u soo jeedinayaa xisbul-xaakimka inuu ka soo jeedsado ololaha, una soo jeedsado wax ka qabashada sicir-bararka cidhiidhiga geliyey nolosha bulshada.”
Md. Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay inay xisbi ahaan aaminsan yihiin in qabyaaladdu tahay aafada ugu weyn ee saamaynta ku yeelatay Somaliland, isagoo xusay inay doonayaan in gacmaha la isku qabsado sidii loo tirtiri lahaa qabyaaladda.
“Xisbiga WADDANI ma laha hayb-sooco, ujeedada xisbiga loo abuurayna waxa weeye in la helo shacbi midaysan, ictiraaf, caddaalad iyo horumar,” ayuu yidhi Md. Cirro.