X
    Categories: Warar

Casriga Adduunka: Shirkad soo Saartay Gaadiid Bilaa Darawaliin ah oo loogu Talogalay Dadka Rakaabka ah

Araweelo News Network

Gaadhigii ugu horreeyey ee aan darawal wadin, ayaa lagu sameeyey dalka Singapore ee qaaradda Aasiya si uu u soo qaado rakaabka, ugana mid noqdo gaadiidka dadweynaha, kaasoo shaqadiisii ugu horreeyey bilaabay Khamiistii shalay.
Gaadhigan waxa awood u yeelan doona in ay fuulaan dad si gaar ah looga xulay shacabka, kuwaasoo telefoonnadooda casriga ah (smart phones) loogu shubay barnaamij ay ku dalban karaan gaadhiga, gaar ahaan tagsi si gaar ah uga hawlgalaya magaalooyinka ee dalka Singapore, sida ay sheegtay Shirkadda NuTonomy.
Gaadhigan oo aan darawal lahayn, balse isagu is wada, ayaa shirkado badan oo ay ka mid yihiin Google iyo Volvo ay tijaabiyeen bal sida uu ugu shaqayn karo waddooyinka dadweynaha muddo sannado ka hor ah, balse shirkadda nuTonomy ayaa sheegtay inuu yahay gaadiidkii ugu horreeyey ee si iskii isu wada ee shacabka loogu talagalay.
Waxa hadda la soo saaray lix gaadhi oo kaliya, iyadoo tobannaan kalena dhammaadka sannadkan la hirgelin doono, waxaanay ujeeddada ugu weyn tahay sida saraakiil shirkadda nuTonomy ka tirsan sheegeen in la helo baabuur iskood isu wada oo ka hawlgala dalka Singapore si ay uga shaqeeyaan magaalooyinka waaweyn sannadka 2018, haddii Ilaahay yidhaah.
Waxa gawaadhidan loogu talagalay in ay ka hawlgali karaan masaafo dhan 2.5 mayl oo laba jibbaaran, iyagoo qofka dhigaya, soona qaadaya meel cayiman oo loogu talagalay, waxaana shardi ah in qofka rakaabka ah uu dalab ka haysto shirkadda nuTonomy si uu adeegan u helo. Waxa ay shirkaddu sheegtay in dad tobanaan qof ah ay saxeexeen heshiiska, iyadoo la doonayo in bilo yar gudahood kumanaan qof la gaadhsiiyo dalabka iyo adeegan casriga ah.
โ€œMa rajaynayo in aan waqti ku gaadhno halka aan nidhi waan gaadhayna, balse wax badan baannu barnay, marka aad baabuur badan oo noocan ah waddada Singapore ku sii dayso waxa dhici karta in waddooyinka samxadeedu yaraato, waxaanad abuuri karta gawaadhi yaraan waxaanay beddeli doontaa sida dadku u dhexgalaan caasimadaha,โ€ ayuu yidhi Agaasimaha Hawlgelinta shirkadda nuTonomy Mr. Doug Parker.
Agaasimaha Fulinta shirkadda nuTonomy oo la yidhaa Karl Iagnema ayaa tilmaamay in adeega baabuurtan ku xidhnaan doonto lacagta uu qofku bixiyo inta ay leโ€™eg tahay, lana mid noqon doonta sida ay u shaqeeyaan tagaasida magaalooyinka, hadafkooduna yahay in qaaradda Eeshiya, Maraykanka iyo Yuruba ay ku fidiyaan adeegyada noocan ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post