Araweelo News Network
London(ANN)Hoggaamiyeyaasha firqada calawiyiinta ee Suuriya ee uu ka tirsan yahay Madaxweyne Bashaar Al Asad, ayaa shaaciyay Tallaabo aan hore looga baran, kadib markii ay ku shaaciyeen dokumenti ay BBCduna heshay in aanay qayb ka ahayn waxa ka dhacaya dalkao oo shantii sannadood ee u danbeeyay ku jiray dagaal sokeeye.
Hogaamiyeyaasha mujtamaca iyo kuwa diinta ayaa sheegay inay rajaynayaan inuu iftiin u bidhaamo calawiyiinta, waxayna caddeeyeen nooca mustaqbal ee ay la rabaan waddanka oo ay sheegeen in ay tahay wakhti muhiim ah, ka dib muddo dheer oo lagu jiray in wax kasta ay sir ahaadaan.
Laba ka tirsan hogaamiyeyaasha Calawiyiinta Suuriya oo dalbaday in aan la magac dhabin oo ah ragga qoray documentiga, ayaa BBC da u sheegay inay goosteen inay ka soo saaraan warbixintan ku saabsan aqoonsigooda, maadaama oo Calawiyiin badan lagu laayay Suuriya sababtuna ay tahy caqiidadooda.
Waxay ku nuuxnuuxsadeen in ay muhiim tahay in aan Calawiyiinta la saarin dambiya ay xukuumadda talada haystaa ku kacday.
Kala qaybsanaanta mad-habtu waa mid ka mida waxyaabaha ugu waawayn ee dagaalka sokeeye ee Suuriya ka socda hurinaya.
Hogaamiyeyaasha Calawiyiintu waxay qoraalkan ku sheegeen in ay haystaan Mad-hab saddexaad oo Islaamka ka mida.
Waxayna sheegeen in Calawiyiintu aanay haysan mad-habka Islaamka, Shiiciga ah ee lagu sheego, isla markaana ay ka go’antahay la dagallanka collaadda mad-habaha ee ka socda Suuriya.
Waxay caddeeyeen in ay aaminsanyihiin mabaa’dida sinnaanta, xorriyadda iyo wadaniyadda waxaanay ku baaqeen in mustaqbalka Suuriya laga dhaqan geliyo nidaam cilmaani ah oo ay ka suurto gasho in Islaamka, Masiixiyadda iyo diimaha kale ku sinnaadaan.
Inkasta oo Calawiyiintu u badnaayeen dowladda Suuriya iyo laamaha nabad gelyada xukunkii Bashar Al-Asad iyo Aabihii Xafid al-Asad in ka badan afartan sannadood, haddana qoraalkani wuxuu qiray in xukunka jiraa yahay mid sharci ah, sida ay dhigayaan bay yiraahdeen mabaadii’da dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aasaasiga ahi.