X
    Categories: Warar

Calaamatu Su’aal Saaran Xukuumadda Cumar Cabdirashiid Ee Baarlamaanka Somalia Codka Kalsoonida Siiyay

Mogadishu(ANN)Fadhi ay lahaayeen Baarlamaanka Somalia, ayaa maanta lagu ansixiyay Xukuumadda Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo barnaamijka ay ku shaqaynay mudada yar ee u hadhay.
Raysal Wasaaraha Somaliya, ayaa ka codsaday Baarlamaanka inay codka kalsoonida siiyaan Golaha Wasiirada cusub.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo guddoominaayay kulanka Baarlamaanka, ayaa ku dhawaaqay in 191 Xildhibaano ay kalsoonida siiyeen Golaha Wasiirada, iyadoo 22 mudane diiday. Sidaana waxa lagu anixiyay xukuumadda Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid oo tan iyo markii isaga xilkaa loo magcaabay dhawr dhismaha xukuumad uu magcaabay laba jeer dib ula noqday. Kadib markii ay mudanayaashu ku gacan saydheen inay kalsooni siinayaan.

Balse Markii sadexaad oo sidan oo kale caqabad kaga timi Baarlamaanka, waxa sheegay inuu soo dhamaytirayo xukuumadiisa, taas oo ahayd xukuumadda Baarlamaanku ansixiyay waqtigan.
Xukuumadda cusub, ayaa ku sheegtay Barnaamijkeeda laga akhriyay Baarlamaanka inay dhamaystiray qorshaha loo dejiyay Somalia iyo sidii doorashooyin xor ah looga qaban lahaa marka la gaadho 2016, balse waxa lagu tilmaamay xukuumadda Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid mid aan rajo weyn laga qabin in ay wax ka bedesho xaalada Somalia, isla markaana hirgeliso dhamaystirka qorshaha Somalia ee 2016, iyadoo hawlaha baaxada weyn ee horyaal aanay noqonayn kuwo mudadaa kooban ku dhamaada.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post