Dilka Hoggaamiyihii Hamas Oo Dagaalka U Jiheeyay Bilaw Aan Dhammaad Lahayn

 

Xaallada dunida kala go’doominta  xusuusta sannado ka hor  iyo Saadaashii Henry Kissinger

#Araweelo_News_Network

Washington (ANN)-Cabsida Dagaalka ku faafaya Bariga dhexe ayaa kordbay, iyadoo dilka Hoggaamiyihii Xamaas ee Ismail Haniya u muuqdo mid Albaabada u furay in dagaalka ka jiray gobolku si cad daaha ugu faydo saadaasha horeba loo filayay inuu yahay xansaska dagaal weyn oo laysku hirdiyo.

Warbixino ay faafiyeen hay’addaha Sirdoonka ee Maraykanka iyo xulufadiisa Israel iyo Britai,  ayaa ka wer-wersan waxa dhici doona dilka Hoggaamiyihii Shahiidka ahaa ee Ismail Haniya oo Israel  iyo xullufadeeda ku dileen xilli uu ka qayb galay maalmo ka hor Xafladda Madaxweynaha la doortay ee Iran.

Sirdoonka dalala reer galbeedka ayaa sheegaya in Iran oo kulan la yeelatay xooggaga ay taageero ee Yemen, Iraq, Suuriya, Qaza,  Lubnaan, Baxrayn  iyo meelo  kale oo gobolka ah ay sii xoojisay cabsida dagaalka, iyadoo Iran iyo dhamaan dagaalyahanka ay taageerto wacad ku mareen in la qoomamayn doono dilka Ismail Haniya iyo halyeeyo kale oo Israel iyo xulufadeedu ku shirqoolo  xilli kala duwa.

Dhinaca kale, shirkaddaha Diyaaraddaha ayaa qaar baddan ay joojiyeen inay adeegsadaan Hawadda dalalka gobolka iyo xataa innay u safraan.

Shirkadaha diyaaraddaha ayaa qaarkood sheegeen inay ka fogaanayaa  hawada Iran iyo Lubnaan, waxayna joojinayaan duullimaadyadii ay ku tagi jireen Israa’iil iyo Lubnaan, iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo isku dhacyada suurtagalka ah ee gobolka kadib markii la dilay xubno sare oo ka tirsan kooxaha Hamas iyo   Hezbollah toddobaadkan.

Singapore Airlines (SIAL.SI), ayaa la joojiyay duulimaadyadii ay ku mari jirtay hawada Iran subaxnimadii hore ee Jimcaha, waxayna adeegsanaysaa dariiqyo kale, iyadoo sheegtay in badbaadada ay tahay mudnaanta koowaad, sida ay soo werisay  wakaaladda wararka ee Reuters.

Sidoo kale. Shirkaddaha Taiwan EVA Air iyo China Airlines waxay sheegeen inay ka fogaanayaan hawada Iran duulimaadyada Amsterdam Jimcihii,  kuwaas oo hore u dulmaray Iran, sida ay muujinay xogta lagu baahiyay  Flightradar24.

Hase yeeshee Shirkaddaha diyaaraduhu si degdeg ah ugamay jawaabin codsi ah inay faallo ka bixiyaan isbeddelka khadka. Laakijn War-saxaafadeed kasoo baxay OPSGROUP, oo ah urur xubin ka ah oo wadaaga macluumaadka khatarta duulimaadyada, ayaa kula taliyay isu socodka Aasiya iyo Yurub inay ka fogaadaan hawada Iran iyo Ciraaq, maalin kaddib markii ilo-wareedyo u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters in madaxda sare ee Iran ay la kulmi doonaan wakiillada xuklafada gobolka Iran ee ka socda Lubnaan, Ciraaq iyo Yemen si ay uga wada hadlaan suurtagalnimada aargoosiga Israel.

Advertisement

Advertisement

Shirkado badan oo diyaaradeed, oo ay ku jiraan diyaaraddaha Maraykanka iyo Yurub, ayaa mar horeba iska ilaalinayey inay dulmaraan Iran, gaar ahaan tan iyo markii ay gantaallada is-weydarsiga ah iyo weerarrada aan duuliyaha lahayn ee April dhex maray Iran iyo Israel.
Duulimaadka singapore Airlines ee ku wajahan London Heathrow subaxnimadii hore ee jimcaha waxa ay tagtay waqooyiga Iran iyada oo sii martay Turkmenistan iyo Azerbaijan, halkii ay ka sii mari lahayd Iran sidii ay maalin ka hor dhacday, sida ka muuqata xoggta Flightradar24 .

Si kastaba ha ahaatee, tiro badan oo diyaarado ah ayaa weli ilaa Jimcihii  dul heehaabaya hawada Iran, oo ay ku jiraan kuwa Imaaraadka Carabta ee Etihad, Emirates (EMIRA.UL) iyo FlyDubai, iyo sidoo kale Qatar Airways iyo Turkish Airlines

Wallow Labadii maalmood ee la soo dhaafay, Air India (AIRID.UL), Kooxda Lufthansa ee Jarmalka (LHAG.DE), ayaa u leexday Johann kale oo hawada ah ,  sidoo kale, shirkaddaha Maraykanka ee United Airlines (UAL.O), iyo Delta Air (DAL.N),  ayaa leexday jiha cusub, waxaana sidaa oo kale sameeyay Shirkadda ITA Airways ee Talyaaniga oo sheegay inay hakiyeen duullimaadyadii Tel Aviv.

Shirkaddaha diyaaraddaha ayaa toddobaadkan baajinaya oo dib u dhigaya duulimaadyadii ay ku tegi jireen caasimadda Lubnaan ee Beirut kasdib shaqo joojin ay Sabtidii ka sameeyeen Buuraha Golan Heights ee ay Israel xoogga ku haysato, wallow Israel ay ku eedaysay weerarka kooxda Xisbullah ee fadhigeedu yahay Lubnaan, oo iyagana dhankooda beeniyay inay ku lug lahanshaha.

Dhinaca kale. Canada ayaa Khamiistii soo saartay digniin ku socota diyaaraddaha Canada inay ka fogaadaan hawada Lubnaan muddo  bil ah sababo la xidhiidha khatarta duulimaadka ee dhaqdhaqaaqa millaateri.

Hase yeeshee Britain ayaa iyadu bishii la soo dhaafay kula talisay duuliyayaasha khatarta ka iman karta hubka lidka diyaaraddaha iyo dhaq-dhaqaaqa millateri ee hawada Lubnaan.
Arrimahaa iyo kuwo kale ayaa xaaladda ka dhigay mid muujinay in dagaalka Bariga dhexe saamayntiisu sii ballaadhatay, isla markaana dalal baddan oo xataa la baxsan gobolka ay bilaabeen inay xoojiyaan nidaamkooda difaaca hawada,  iyadoo laga cabsi qabo in haddii dagaalku si toos ah laysugu  badhaadho uu noqonayo  dagaal aan dhammaad lahayn oo ka qarxa Bariga Dhexe, sida uu Henry Kissinger oo ahaa Xoghayihii arrimaha dibadda ee Maraykanka u saadaaliyay sannado la hor (Halkan ka akhri), sidoo kale, kooxda OpsGroup ayaa sheegay in duulista madaniga ah ay u badan tahay inay la kulmi doonto halista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ka gudbaya marinnada hawada, iyo sidoo kale khatarta sii kordheysa ee GPS, taas oo ah ifafaale sii kordhaya oo ku xeeran Lubnaan iyo Israel  iyo gobolka oo dhan, halkaas oo militeriga iyo kuwa kale jilayaasha ayaa soo saaray farsamooyin cusub oo ah in calaamadaha nidaamka GPS la khiyaameeyo, taas diyaaraddaha u tusay  in ay ku khaldanto jiha kale oo meel aanay ahayn halkii ay u jihaysnayd ah.

#Kissinger: Xoghayihii Raadka Weyn Ku Lahaa Siyaasadda Gumaysiga Cusub Ee Maraykanka Oo Geeriyooday

Si kastaba  ha ahaatee dagaalka Bariga dhexe ee ku fidaya gibolka ayaa hore u Galaaftay Gaadiidka Maraakiibta gabacsiga we Badada Cas ka gudba, waxaana uu hadda si caalami ah u saameeyay Diyaaraddaha shiekaddaha ugu waaweyn dunida, taas oo xaalada u ekaysiinay inay dunida kala godoonto sidaa dhacday sannado ka hor xilligii Fayriska safmarka we COVID19 ku qabsaday aduunka ee sababay burburka dhaqaale iyo dhimashada baahsan.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com