X
    Categories: Warar

Cabsi Ku Gedaaman Doorashada Kenya Oo Sababtay In Dad Badani Ka Qaxaan Guryohooda

Araweelo News Network

Nairob(ANN)- Dad badan oo reer Kenyan ah ayaa ka cabsi qaba in doorashooyinka guud ee dalkaas ka dhacaya Salaasada maanta in ay ka dhashaan rabshado u dhexeeya qowmiyadaha waaweyn ee kala taageersan xisbiyada loollamaya, waxana jira kumaan qof oo baqdin darteed uga qaxaya caasimadda Nairobi iyo inta badan magaalooyinka kale ee Kenya.
Sidaa darteed, dadka waxa ay sii jilmadanayaan dhammaan noocyada kala duwan ee cuntooyinka daruuriga ah sida, caanaha daasaha ku jira, galleyda, daqiiqda, saliidda iyo weliba saabuunta, si haddii ganacsiyadu xidhmaan, rabshadna dhacdo inay helaan kayd dhawr bilood ah oo ay ku noolaadaan.
“Maanta dadkii wax naga iibsanayey waxa ka mid ah qof iibsaday 10 xabbo oo saabuun ah, taasina waa wax kheyrul-caadi ah,” ayey tiri Margaret Wanbui oo maamule ka ah dukaan weyn oo ku yaal xaafadda Kawangware oo ah meel dadku iska dageen oo ku taal duleedka woqooyi ee Nairobi.
Inkasta oo suuq fiican jiro, haddana gabadhani waxa ay sheegtay in maamulka dukaanku toddobaadyo ka hor gaadhay go’aan ah in aanay la dagin wax badeeco ah oo cusub, cabsi laga qabo rabshado dhaca iyo khasaare dhasha awgiis.
Dil arxan-darro ah:
Kadib doorashooyinkii lagu murmey sannadkii 2007-dii, waxa la diley dad gaadhaya 12,000 qof, waxana guryahooda ka qaxay 500,000 ruux kadib rabshado dhexmaray qowmiyadaha Kikuyu iyo Luo oo ah labada ugu tirada badan bulshada Kenya.
Balse doorashadii 2013-kii dhacday oo uu ku guuleystey Uhuru Kenyatta waxa ay ahayd mid nabdoon oo aanay wax rabshado ah ka dhicin.
Hase yeeshee, doorashada dhacaysa maanta waxa aad looga cabsi qabaa in dhibaato dhacdo, waxayna cabsidan kor u sii kacday, kadib markii dil arxan-darro ah loo geystey madaxii Tiknoolajiyadda Guddiga Doorashada, Chris Msando oo meydkiisa laga helay duleedka Nairobi.
Ninka la diley ayaa hore u ballanqaaday in uu hubanti ka dhigi doono in Kenya ay ka dhacdo doorasho xaq iyo xalaal ah.
Caasimadda Nairobi iyo magaalooyin kale ee waaweyn ayey dad badan ka qaxayaan, iyagoo shacab badan u hayaamay hadba meesha ay ku badan yihiin dadka ay isku beesha yihiin.
Qormo lagu soo bandhigay wargeys hawada ku jira oo lagu magacaabo The Elephant, ayaa si wanaagsan loogu cabbirey sida ay xaaladda tahay magaalada Nairobi, taas oo cinwaan looga dhigey “The Silent Panic in Kenya” oo macnaheedu yahay “Anfariirka shanqadha yar ee Kenya.”
Waxa qormadu faahfaahin ka bixineysaa sida dadku u qorsheeyeen safarrada ay ku tagayaan meelaha dadkoodu ku badan yihiin si ay uga cararaan goobaha halista ugu jira rabshadaha.
Nin maamule ka ah dukaan weyn oo ku yaal xaafadda dadka ladan deggen yihiin ee Nairobi, balse magaciisa qariyey, ayaa sheegey in aanay habbooneyn in ay dadka baqdin gasho.
“Anigu waxaan u soo joogay afgambigii 1982-kii, dhibaato ayaanan kala kulannay, waxayna ila tahay in aan la qabsanno xaaladda, nolosheenana halkeedii ka sii wadanno,” ayuu u sheegey BBC-da.
Hadallo Hanjabaad ah:
Haweeney deggan xaafadda gidaarka ku wareegsan ee Jamhuri State/Nairobi, ayaa sheegtay in toddobaadyo ka hor ay soo iibsatay raashinkii ay u baahneyd, waxayna xustay in taasi ugu wacan tahay inay jiraan dad isticmaalaya hadallo hanjabaad ah.
Balse nin lagu magacaabo Zuma oo ganacsi nijaarnimo ku haysta xaafaddaas agteeda, ayaa isagu qaba in aanay wax dhib ah dhici doonin doorashada kadib. Wuxuu intaas ku daray in aannu soo iibsanin raashin dheeraad oo kayd ah.
“Waan shaqaysan lahaa maalinta doorashada haddii dawladdu aanay ku dhawaaqi lahayn in ay tahay fasax, maalinta xigtana qorshahaygu waa in aan sii wato hawsheyda,” ayuu yidhi Zuma.
Qorshaha Ku-shubashada:
Nin kale oo BBC-du dareenkiisa weydiisay, ayaa sheegey in uu kaliya awoodo inuu iibsado raashin ku filan saddex maalmood. “Waan jeclaan lahaa in aan soo iibsado raashin kayd ah oo badan, haddii aan haysan lahaa lacag,” ayuu yidhi David Kadondi.
Waxa uu aaminsan yahay in dilkii Msando uu qayb ka yahay qorshe lagu doonayo in doorashada loogu shubto.
“Msando waxa uu fure u ahaa in doorashadu noqoto mid xalaal ah, laakiin meesha ayey ka saareen, qaabka loo dileyna waxa ay muujineysaa in ujeeddadu tahay in loo dhaco habka doorashada, kadibna lagu shubto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey ninkan.
Booliska Kenya ayaa wali baadhitaan ku haya dilka Msando oo lala diley haweeney da’ yar.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post