X
    Categories: Warar

Cabduqaadir Jirde: Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka Ah Ee WADDANI Oo Beeniyey Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Muuse Biixi

Araweelo News Network

 

Cabduqaadir Jirde

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa beeniyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo sheegayey in Madaxda Xisbiga WADDANI ay diideen ergo uu sheegay in uu u soo diray, waxaana uu tilmaamay in arrintaasi ay tahay waxba kama jiraan balse uu Muuse laftiisu ka gows-adeygay dalab ka yimi dhanka Xisbiga WADDANI.

Xildhibbaan Jirde oo arrimahaas hadlaaya, ayaa waxa uu yidhi: “Arrintaa aad sheegtay in Madaxweynahu sheegay in uu ergo noo soo diray oo aanu diidnay waxba kama jiraan, Soo jeedinta anaga ayaa lahayn, waxaanu codsanay in shan iyo shan xubnood oo labada xisbi ahi ay kulmaan, Muuse na isaga ayaa ka gows-qabsaday in uu na la kulmo. Isaga ayaana la kulmay oo beelo doontay, Xisbiga na ka leexday. Xisbigu wax uu diideyna ma jirto, “.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post