X
    Categories: Warar

Cabdullaahi Dareewal Oo Ka Hadlay Nidaamka Furista Ururada Siyaasada Iyo Mustaqbalka Xisbiyada Somaliland

Araweelo News Network

Cabdullaahi Xuseen Imaan (Cabdullaahi Dareewal) 14 Sep 2020, Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Cabdullaahi Xuseen Imaan (Cabdullaahi Dareewal) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, ayaa ka hadlay xeerka doorashooyinka ee golaha wakiillada horyaal, qaabka ay Xisbiyada Somaliland u dhisan yihiin.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay sharcigu wuxuu ka qabo furitaanka Ururada siyaasada marka la gaadho Desmember 2022, oo sida uu sheegay ay ku egtahay mudada axsaabta maanta dhisan.

Cabdullaahi Xuseen Imaan, oo warbaahinta qaarkeed kula hadlay maanta Magaalada Hareysa, ayaa duray  heshiiska ay saddexda Xisbi gaadheen dhowaan ee ahaa in la qabto doorashooyinka mararka baddan dib u dhacday.

wuxuuna heshiiskaa ku tilmaamay mid ay ka eegeen oo kaliya maslaxadooda, balse aannay waxba iska weydiin waxa ay noqonaayan marka la gaadho xilliga sharci ahaan ay ruqsada Xisbiyadu ka dhammaanay Desember 2022.

Sidoo kale, wuxuu dhaliilay axsaabta mucaaradka oo uu sheegay in aannay muuqan doorkii looga baahnaa ee ay ku sixi lahaayeen Xukuumadda, isagoo tilmaamay in haddii la waayo Xisbiya mucaarad ah ay dawladdu waxay doonto samaynay.

Cabdullaahi Dareewal, ayaa dhanka kale dhaliilay ku dhaqan la’aanta sharciga, isagoo carabka ku dhuftay in qof walba sharciga siduu doonayo u dhigo oo aan lagu dhaqmin, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay nasiib-daro weyn.

Halkan Ka Daawo muuqaalka oo dhamaysritan.

 

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post