Araweelo News Network


Garoowe (ANN)- Madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland Mr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa shaaca ka qaaday inay maamulkiisa soo foodsaartay xaalad dhaqaale-darro aad u xun oo sababtay in la waayo mushaharooyinka ciidammada kala duwan ee maamulkaas.
Mr. Gaas oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe, waxa uu sidoo kale masuuliyadda gadoodka ciidammada Daraawiishta ee maamulka Puntland sameeyeen maalmihii u dambeeyey u xambaariyey saraakiil ciidan uu ku eedeeyey inay isku beddeleen siyaasiyiin.
“Dhaqaale xumo ayaa haysata Puntland, taas oo sababtay in la awoodi waayo bixinta mushaharooyinka ciidammada Puntland,” ayuu yidhii Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Waxa uu intaa sii raaciyey, “Hase yeeshee, gadoodka ciidammadu sameeyeen waxa ka dambeeya qaar ka mid ah saraakiisha sare ee ciidanka Puntland oo u xuub-siibtay siyaasiyiin, waxaannu qorshahoodu salka ku hayaa arrimo la xidhiidha dano siyaasadeed aan ujeeddadoodu caddayn.”
Dhawaaqa quusta ah ee ka soo yeedhay Madaxweyne Gaas waxa uu meesha ka saaray hadal Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland ku sheegtay dhowaan inay bixisay mushaharooyinka ciidammadooda oo sameeyey gadood ay kaga cabanayaan mushahar la’aan muddo 28 bilood ah, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay la wareegayey xarumo maamulkaasi ku shaqeeyo oo ku yaal magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacayo.