X
    Categories: Warar

Cabdiweli Gaas Oo Hadal Kasoo Yeedhay Madaxweyne Xasan Sheekh Ku Tilmaamay Mid Nacasnimo Ah

Araweelo News Network

Garoowe(ANN)Hoggaamiyaha maamul goboleedka Somalia ee Puntland Cabdiweli Maxamuud Gaas, ayaa si kulul uga jawaabay hadal kasoo yeedhay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo uu warbaahinta mariyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ka koobanyahay laba gobol iyo Badh oo uu ula jeedo in maamulka Garoowe uu si buuxda gacanta ugu hayo gobollada Bari,Nugaal iyo qeyb kamid ah Mudug.

Hase yeeshee Cabdi Wali Gaas oo boqolaal qof kula hadlay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa sheegay in warka kasoo yeedhay Xasan Sheekh in uu yahay mid nacsnimo ah oo muujinaya in aanu waxbadan ka aqoonin gobollada dalka.

“Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh uu idaacadaha ka yidhi ee ah Puntland waa laba gobol iyo badh waxa uu muujinayaa aqoon yarida ka haysata gobollada dalka,waana nacsnimo sababtoo ah Puntland waxaa lagu aas-aasay shan gobol iyo degmada Buuhoodle”ayuu ku dooday Cabdiweli Gaas.

Maamulka Puntland iyo Maamulka Muqdisho, waxa marar badan soo kala dhexgalay Khilaaf ku saabsan arrimaha Federaalka, kuwaas oo aan inta baddan wax xal ah laga gaadhin, isla markaana dhawaaqa xiligan ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka cadhaysiiyay Maamul goboleedka Puntland , wuxuu kusoo beegmay xili beesha caalamku doonayso in Somalia laga hirgeliyo doorasho, taas oo ay adagtahay qabsoomideedu.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post