X
    Categories: Warar

“Cabdiraxmaan Cirro Waa Nin Wanaagsan, Waxase Aan Leeyahay Somaliland Maanta Waxa Ay U Baahan Tahay Hoggaamiye Wanaagsan.” Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi

Araweelo News Network

Mohamoud Hashi Abdi

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay shaqsiyada murashaxa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo ku tilmaamay, inuu yahay shaqsi wanaagsan, balse aanu ahayn hoggaamiye wanaagsan oo Somaliland kala dabaalami kara duruufaha ku geedaaman.

Wasiir Maxamuud ayaa xusay in dalku wakhtigan u baahan yahay Hoggaamiye adag oo hal-abuur leh, waxaanu arrintaasi kaga hadlay munaasibad maanta ka dhacday magaalada Hargeysa oo xadhiga laga jarayey Wershad cusub, isaga oo ay halkaas hadalo duur xul siyaasadeed ah isku waydaarsadeen, Maxmed Cismaan Fadal oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga Waddani.

Hadaladii Wasiir Maxamuud ayaa wax aka mid ahaa “ Arrimaha odayaasha tartamayana waxa u garsoori doona shacbiga, dhamaantood waa rag wanaagsan, waa muwaadiniin xaq u leh inay tartamaan, hadii aan is dul-taago waxaan leeyahay saaxiibkay Inaadeerkay Fadalow nin waliba wuxuu waayo aragnimo iyo khibrad leeyahay saaka dadka cod kuma marin karo, ee dadku aragtida ay qof walba ka haystaan waa la yaqaanaa, qof Bini-aadam ah oo aan wanaag iyo dhaliil lahaynina ma jiro.”

“ Anagu murrashaxa aanu wadno odhan mayno waa macsuum, odhana mayno dhaliil ma le’e, waxa se aanu leenahay hadii aan labadaa oday ee is barbar dhigo, Cabdiraxmaan Cirro waa nin wanaagsan, waxaan qirayaa inuu yahay nin wanaagsan waxase aan is leeyahay Somaliland maanta waxa ay u baahan tahay hoggaamiye wanaagsan ee uma baahna nin wanaagsan, ninka wanaagsan iyo hoggaamiyaha wanaagsanina waa laba kala duwan, qofku inuu noqdo qof wanaagsan waa shay, inuu hoggaamiye wanaagsan noqdaana waa shay labaad.”

Wasiirka Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray in dalku u baahan yahay hoggaamiye adag oo kala dabaasha duruufaha adag uu ku xeeran waxaanu ydihi “Waxaan leeyahay Somaliland maanta waxay u baahan tahay hoggaamiye adag, oo duruufahan adag ee ku xeeran kala dabaasha. Sidoo kale Somaliland hoggaamiyeyaasha cusub waxa hor yaala hal-xidhaale adag waayo waxa ka horeeyey Madaxweyne waayo arag ah, hal abuur leh, hoodo iyo nasiib leh oo Somaliland duruufo badan kala soo dabaashay, hal-xidhaale adag ayaa shacbiga Somaliland horyaal oo ah inay kala doortaan sadexdaa murashax, shacbiga ayaannu u daynaynaa jawaabtana muddadaa sodonka maalmood ku dhow ayey ka jawaabayaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post