X

WADDANI: Cabdiraxmaan Cirro Oo Ku Tilmaamay Xaaladda Laascaanood Xasuuq Kuna Baaqay In Deg Deg Xal Nabadeed Lagu Raadiyo

Cabdiraxmaan Cirro Araweelo News

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Murrashaxa Xisbiga WADDANI, ee Doorashada Madaxtooyadda, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa ka digay xiisadda Laascaanood, wuxuuna ku dhaliilay Xukuumadda qaabka ay u waajahay xaaladda.

Laxidhiidha: Somaliland: Xukuumadda Oo Ka Hadashay Xiisadda Laascaanood

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo la hadlay qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga WADDANI, wuxuu sheegay in horraantii November 2022, ay booqdeen Magaalada Laascaanood, isla markaana la kulmeen dadka waxgaaradka,  Odayaasha iyo dhalinyarada , isla markaana ay dadku si weyn uga cabanayeen xaaladda dillalka kusoo noq noqda, isagoo si gaar ah u xusay in marxuumka ugu danbeyay ee la dilay Allah haw naxariistee Marxuun Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi (Hadraawi), ka mid ahaa dadkii ka hadlayay dilalka.

“Dadka shacabka ee Sool markii aannu la kulanay, iyagoo ka baddan 1000 qof, waxay dhammaantood ka cabanayeen in wax laga qabto dilalka, waxa halkaa ka muuqata in xukuumaddu ku fashilantay inay soo qabato dadkii geystay dilalka oo amaanka magaalada gacanta ku dhigto. Allah haw naxariistee Marxuun Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi (Hadraawi) oo dilkii ugu danbeeyay mashaqadu ka bilaabantay, wuxuu ahaa dhalinyarada haldoorka ee ka cabanayay, wuxuna ka mid ahaa murrshaxiinta xisbiga WADDANI ee doorashadii gollaha wakiillada Somaliland.” ayuu yidhi.

Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu sheegay in xukuumadda laga filayay inay soo qabato dadkii dilka geystay, balse aannay ahayn inay tobban qof oo kale ku darto, “Xukuuamdda waxa ku waajib ah inay amaanka sugto, waxa kale oo aannu ugu baaqaynaa xukuumadda inay culayska ka qaado, iyadoo amaanka la sugayo.”

Dhinaca kale, wuxuu ugu baaqay Gollayaasha, waxgaradka, ganacsatada iyo Culimada inay door ku yeesheen arrinta Laascaanood, isla markaana laga shaqeeyo sidii nabad loogu soo celin lahaa Magaalada.

“Arrintani dhaawac weyn ayay ku tahay Jiritaanka iyo midnimada qaranimada iyo walaalnimada Somaliland, shacbiga Sool, waxgaradku waa inay ka qaybqaataan, xukuumadda waxaan ugu baaqaynaa in aannay xabad kaga jawaabin marka shacbi aan hubaysnayn dareenkooda cabirayaan, xasuuqa ka dhacay Laascaanood, wuxuu 11 August 2022, ka dhacay Hargeysa, Burco iyo Ceergaabo, waxa ku dhintay 7 qof, maantana Laascaanood 10 ka badan ayaa ku dhintay. sidaa awgeed xukuumaddu waa inay joojiso inay cudud iyo xabad ku jawaabto.” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, wuxuu ka digay dhinacyo uu sheegay inay shacbiga guubaabinayaan, kuwaas oo uu sheegay inay hurinayaan collaad, sidaa darteed, isagoo ugu baaqay kooxahaa oo aannu magcaabin inay ka nwaantoobaan hurinta collaada, wuxuu mar kale ku celiyay in loo baahanyahay in deg deg loo soo afjaro arrinta Laascaanood.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post