X
    Categories: Warar

Cabdicasiis Samaale oo Sheegay in KULMIYE Diyaar u Yahay Tartan Xalaal ah oo uu la Galo Xisbiyada Mucaaridka

Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE oo uu ka tirsan yahay diyaar u yahay tartan xalaal ah oo uu la galo xisbiyada mucaaradka ah ee dalka doorashada soo socota.
Md. Cabdicasiis Samaale oo waxa uu tilmaamay in KULMIYE yahay xisbi qaangaadhay oo leh waayo-aragnimo mucaaradnimo iyo maamul-dawladeed, sidaasi darteedna ay u fududahay inuu talada dalka sii hayo muddo badan, balse uu diyaar u yahay in tartan furan oo xalaal ah la galo xisbiyada mucaaradka ah.
“Xisbiga KULMIYE waa xisbi da’ wayn oo 15 sanno ayuu ku jiraa iminka oo 2002-dii ayaa la aasaasay, xisbi 15 sanno jira oo soo maray xisbi mucaarad adag oo hantay taladii iyo hoggaamintii dalka way u sahlan tahay ama way u fududahay inuu sii hayo talada dalka mar labaad iyo mar saddexaadba, Ilaahay ha u kadbo. Kalsooni baan ku qabaa innagoo Ilaahay isku xidhayna oo talo saaranayna, innagoo shacabka Somaliland ee u hiiliyey KULMIYE ee isagoo urur siyaasi ah xisbi ka dhigay ee dhiibay xukunka inay mar kale u suurtogaliyaa inuu talada waddanka sii hayo, kalsoonida aan ku qabaa waa mid la xidhiidha tajribadda uu leeyahay xisbiga KULMIYE ee qaangaadhay,” ayuu yidhi Md. Samaale oo khudbad ka jeediyey shirweynaha Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE oo lagu gabogabeeyey magaalada Gargeysa shalay, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray, “Waxaanse leeyahay xisbiga KULMIYE, dhallinyarada KULMIYE iyo hoggaanka KULMIYE iyo guud ahaan bahwaynta taageerta KULMIYE waxa horyaala tartan xalaal ah oo ay inala tartamayaan labada xisbi ee kale, tartankaa waynu wanaajinaynaa oo waxaynu ka dhigaynaa mid wanaagsan oo la wada ciyaarayo oo la tartamayo oo walaalo la yahay oo qof waliba waxa uu dadka ka iibinayo ama u sheegayo oo run ah uu fagaaraha keenayo, markaa tartankaa ayuu KULMIYE diyaar u yahay oo shirweynahan iyo dhallinyarada joogta iyo dhammaanba bahwaynta KULMIYE ay diyaar u tahay inay ka qaybgasho.
“Waxaan Ilaahay ka rajaynayaa in tartan wanaagsan oo xalaal ahi dalkeenna inooga dhaco oo uu ku guulaysto xisbigii aqlabiyadda shacabka iyo kalsoonida ummadda ku guulaysta oo aan filayo oo Alle ka rajaynayo inuu KULMIYE noqdo,” ayuu ku soo xidhay hadalkiisa Md. Samaale.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post