X
    Categories: Warar

Burco: Isbahaysiga Kooxda Xirsi Oo Sababtay Soo Dhowanyn Dhiig Ku Daatay

Burco(ANN)Wasirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan oo ay weheliyaan Wasiirkii hore ee Arrimaha Qoyska Cabdi Aw Daahir iyo kale oo ka mid ah kooxdooda la baxday Isbahaysiga Dumuqraadiyada KULMIYE, ayaa gaadhay maanta magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Xubnahaa oo aan la ogayn ujeedada safarkooda, balse lagu macneeyay mid is muujin ah, waxa soo dhowayntooda ka dhashay shil gaadhi oo sababay dhimashada Laba muwaadin oo kala ah Alle haw naxariiste Marxuum Axmed Jaamac Cawad iyo Marxuum Sahal Cumar Faarax, iyadoo ugu yaraan Afar qof oo dhwaacyo kala duwan soo gaadheen. kadib markii gaadhi ka mid ah boqolaal gaadiid maalmahan loo abaabulayay soo dhowayntaa oo kaga horyimi dhinaca Tuulada Qoyta ku dhacay halkaa.
Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi iyo Dr. Cabdi Aw Daahir oo ahaa Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshadaka, isla markaana ka mid ahaa xubnihii dhowaan qaadacay shirka golaha dhexe ee KULMIYE, waxa socdaalka magaalada Burco ku weheliya Guddoomiyaha Labaad ee Xisbiga KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo, Xildhibaan Cabdicasiis Ducaale Carbuun. Xlldhibaan Farxaan Maxamuud Cali iyo xubno kale.

Xubnahaa oo aan la ogayn ujeedada safarkooda, ayaa soo dhowayntooda magaalada Burco noqotay mid dhiig ku daato, wuxuuna shilka khasaaruhu ka dhashay ee soo dhowayntooda sababta u ahaa safarkooda u rogay mid murugo, waxayna iyagoo hadalo kooban dadweynaha soo dhoweeyay u jeediyay u sheegeen inay ilaashadaan midnimadooda iyo nabadgelyadooda.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post