X
    Categories: Warar

Burco: Abaabulka Mudaharaadyo Lagu Taageerayo Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Iska Casilay

Burco(ANN)Mudaharaadyo lagu taageerayo Xubnaha Wasiiradda ee iska casilay Xukuumadda Madaxweyne, ayaa laga qaban-qaabinayaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Sidaana waxa shebekadda wararka ee Araweelo News Network u xaqiijiyay ila wareedyo kala duwan oo ku sugan gobolka Togdheer, kuwaas oo sheegay in magaalada Burco laga dareemayo Mudaharaadyada lagu taageerayo xubnaha golaha Wasiiradda maanta iska casilay xilalkii ay ka hayeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale warar shebekadda Araweelo News Network, ka heshay gobolka Toghdeer, ayaa sheegaya in Wasiirada iska casilay xilka maanta u anbabaxeen magaalada Burco, waxyar kadib markii ay is casilaadooda kaga dhawaaqeen magaalada Hargeysa, waxaana la xaqiiyay in Wasiirkii Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo Wasiirkii Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir gaadheen magaalada Burco, iyagoo taageero u raadinaya mawqifkooda siyaasadeed iyo is casilaadooda.

Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi iyo xubnaha weheliya, ayaa durba caawa kulamo la yeeshay Odayaal, waxgarad iyo dhalinyaro, kuwaas oo aan la ogayn waxyaabaha ay kala hadleen.

Dhinaca kalena xubnaha ay isku mawqifka yihiin ee maanta iska casilay xukuumadda Somaliland eek u magaalada Hargeysa, ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay taageerayaashooda, kulamadaas oo aan la ogayn ujeedadooda, balse xoggaha wararka laga helay sheegayaan inay qayb ka yihiin abaabulka mudaharaadyo xidhiidh la leh kuwo laga abaabulayo magaalada Burco ee xarunta u ah caasimadda labaad ee Somaliland.

Ciidamo Boolis ah, ayaa la dhigay wadooyinka magaalada caasimada Hargeysa maanta gelinkii danbe, iyadoo caawa la arkayay baabuurta oo badhitaan lagu bilaabay dhinaca wadada afaafka hore ee Wasaaradda Maaliyadda oo ah wadada halbawlaha ee hormarta Madatooyadda Somaliland.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post