Bariga Dhexe: Bashaar Al-assad Kaddib , Maxay Ku Beddesheen Iran Iyo Ruushku Bixitaanka Assad Ee Suuriya?
Doorka Turkiga Iyo Is Ballaadhinta Bariga Dhexe Ee Israel
#Araweelo_News_Network
Damascus (ANN)- Israel ayaa sii wada duqaymaha Suuriya toddobaad kaddib markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-Assad oo muddada dheer xukumayay. Sida laga soo xigtay kooxda kormeerka xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya, ciidamada Israael waxay ka fuliyeen guddaha Suuriya maalmihii u danbeeyay in ka badan 800 oo weerar, kuwaas oo lagu burburiyay goobo muhiim ah oo dhanka Millateriga, warsheddaha iyo addeegyada aasaasiga ah.
Sidoo kale, Israel waxay bilawday is balaadhinta dhulka Suuriya oo ay guddaha usoo gashay, iyadoo aan ka gabanayn innay guddaha ka fuliso hawlgalo Millateri oo lagu naafaynayo dhismaha Ciidamada Millateriga Suuriya oo ahaa kuwa ugu inkaaniyad iyo horumarsan taariikhda dalalka Carabta tababar ahaan iyo dhisma ahaan, balse hadda loo beddelay raaciyad, kaddib qabsashadii Suuriya ee xukunka lagaga tuuray Bashaar Al-assad.
Ka Hor Qabsashada Suuriya Kulankii Moscow
Waxa xusid muddan in Wafdi ka socda Israel ay gaadheen Moscow maalmo ka hor qabsashada Suuriya Wafdiga ka socda Israel ayaa lagu soo waramayaa in ay booqdeen Moscow maalmihii la soo dhaafay si ay ugala hadlaan joogitaanka Iran ee Suuriya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Asharq Al-Awsat ee Sucuudigu leeyahay Jimcihii.
Ilo wareedyo ayaa u sheegay wargeyska Asharq Al-Awsat in wafdigan la sheegay in ay u yimaadeen Moscow iyaga oo ku marmarsiyoonaya in ay ka wadahadleen heshiiska la haystayaasha ee Qaza, oo ay ku jiraan dadaallada lagu soo furanayo la haystayaasha haysta dhalashada Ruushka, balse waxay xambaarsanaayeen farriin ah in Israel aannay oggolaan doonin in Iiraan iyo xulafadeeda ay adeegsadaan Suuriya. meel lagu weeraro Israel.
Falcelinta Bariga Dhexe
Ra’iisal Wasaare Sir Keir Starmer ayaa sheegay in aan wali go’aan laga gaadhin in dowladda UK ay kooxda Hayat Tahrir al-Sham (HTS) ka saari karto liiska kooxaha argagixisada ah ee la mamnuucay kaddib markii fallaagada ay soo hogamisay afgambigii Bashaar Al-Assad ee Suuriya.
HTS waxaa UK looga mamnuucay urur argagixiso kaddib markii lagu daray magaca Al-Qaacida 2017, taasoo la micno ah in UK annay wax xidhiidh ah la yeelan karin kooxda, laakiin Sir Keir waxa uu sheegay in ay weli aad u fog tahay in la tixgeliyo isbeddelka siyaasadda.
Marka la eeggo falcelinta Maraykanka, Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump ayaa bogaadiyay dhicitaanka nidaamka, wuxuuna ku jeesjeesay Ruushka iyo Iran oo sida uu sheegay lumiyay xulafadooda aasaasiga ah. ”
Assad wuu maqan yahay, wuxuu ka soo cararay dalkiisa, ilaaliyaha, Ruushka, oo uu hoggaamiyo Vladimir Putin, ma danaynaynin inuu sii ilaaliyo isaga,” sidaa waxa uu Trump soo dhigay Truth Social. “Ruushka iyo Iran waxay ku sugan yihiin xaalad daciif ah hadda, mid sababtoo ah Ukraine iyo dhaqaale xumo, midda kale sababtoo ah Israel iyo guulaheeda dagaalka. ayuu raaciyay.
Madaxweyne Biden iyo kooxdiisu waxay dhankooda sheegeen innay si dhow ula socdaan dhacdooyinka aan caadiga ahayn ee Suuriya oo ay si joogta ah ula xidhiidhaan saaxiibada gobolka,” sidaa waxa lagu yidhi, Bayan kasoo baxay Aqalka Cad intii ay socotay qabsashada Suuriya.
“Maraykanku waxa uu sii wadi doonaa joogitaankiisa Bariga Suuriya, waxaanu qaadi doonaa talaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga hortago ay soo laba kacleeyaan dawladda Islaamiga ah,” ayuu ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha difaaca ee Bariga dhexe Daniel Shapiro u sheegay shirka amniga ee Manama ee Bahrain
Dhanka kale, dowladda Israa’iil ayaa ogolaatay qorshe lagu ballaarinayo deegaamaynta sharci darrada ah ee buuraha Golan ee la haysto. “Israa’iil waxay dejinaysaa tusaalayaal cusub oo ku wajahan Bariga Dhexe,” ayuu yidhi
Marwan Bishara oo ah falanqeeye sare oo dhinaca siyaasadda ah Aljazeera. “Waxay u dhaqmaysaa si sharci darro ah oo ka dhan ah Suuriya, sida waddan qallafsan asal ahaan.” bishara waxa kale oo ay ka hadlaysaa xasuuqa Israel ay ku hayso Falastiiniyiinta Gaza iyo istaraatiijiyada Suuriya ee jilayaasha kale ee gobolka, oo ay ku jiraan xulafada Maraykanka ee deriska la ah kuwaas oo hore isugu dayay inay caadi ka dhigaan xidhiidhka ay la leeyihiin Asad iyo kooxaha xagjirka ah ee sameeyay qayb ahaan jawaabta Maraykanka
Boqolaal Suuriyaan ah oo barakacay ayaa dib ugu soo laabanaya dalka, ka dib markii kooxaha fallaagada ay qabsadeen Dimishiq Axadii. kuwaas oo kasoo gudbay xudduudda Mansaa ee u dhaxaysa Lubnaan iyo Suuriya, iyadoo dadku ay u dabaaldegayaan waddada dib loogu soo celinayo dalkooda, wallow aannay hubin mustaqbalka.
Doorka Iran Ee Gobolka
Dhicitaanka Assad ee Suuriya waxay dhirbaaxo culus ku tahay ‘xiddigga iska caabinta’ Iran
Muddo yar ka hor, kuwaas oo ah kooxaha Iran taageerto, iyadoo awoodda sare ee gobolka Tehran ay u muuqatay mid kor u kacaysa. Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa yidhi: “Falka iska caabintu waxa ay soo martay sanad aad u adag, Iran ayaa ugu danbayntii aqbashay dhicitaanka Assad, iyadoo lumisay rabitaankii ay iskaga caabin lahayd, waxayna u muuqataa innay Iran dhabarka u jeedisay oo ka tagtay xulafadeeda Suuriya markii xoogaga mucaaradka ay xukunka ka tuureen, wallow ay soo baxayaan xoggo sheegaya sida laga soo xigtay wargeyska gaarka ah ee Afka xukuumadda Suuriya, Iran waxay taageertay Madaxweynaha Suuriya, Bashar Al-Assad, muddo tobanaan sano ah, iyada oo ka caawinaysa inuu ka badbaado dagaal sokeeye oo khatar ku ah xukunkiisa
Waxa xusid muddan in warbaahinta Iran ay ka weecatay innay ugu yeedho fallaagada Sunniga ah “argagixiso gaalo ah” sida ay filayeen xullufada Maraykanka iyo Israel, taas bedelkeedana waxay ugu yeedhay “kooxaha hubaysan”
Iran waxay qiratay in dib u dhacyada hadda ku yimid nidaamka Suuriya ay caqabad ku yihiin “dhidibka iska caabinta ee gobolka iyo xoraynta Quduz iyo dhulka Falastiin, oo ka kooban Hezbollah, Hamas, Jihaad, Xuuthiyiinta, maleeshiyada Ciraaq, nidaamka Suuriya, iyo kooxaha kale ee Baxrayn iyo meelo kale oo ka baxsan gobolka, kuwaas oo dhammaantood ahaa gamcaha Iran ee ka dhigay gobolka mid aannay Israel iyo xuluffada Maraykanku ku amar ku taaglayn.
Marka laga yimaado in Iran ay geysay tobanaan kun oo dagaalyahano ah si ay u taageeraan ciidamada Bashaar Al-Assad ee ka dhanka ah fallaagada Suuriya, iyadoo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay siisay dowladdiisa saliid iyo qalab Millateri oo bilaash ah muddo sanado ah.
Taageerada weyn ee Iran ay siiso Assad ayaa sababtay in cunaqabateyn lagu soo rogay shirkadeeda caanka ah ee Mahan Air, iyo sidoo kale diyaaraddaha qaranka ee Iranian Air.
Tusaale ahan taageerada dhaqaale ee Iran siiso Bashaar Al-Assad, warbixin hore ayaa sheegtay in March 2020, Heshmatullah Falahatpisheh, oo markaa ahaa guddoomiyaha gollaha amniga qaranka ee Baarlamaanka iyo guddiga siyaasadda arrimaha dibadda ee Iran, sheegay in Iran ay ku bixisay inta u dhaxaysa 20 ilaa 30 bilyan oo doolar si ay u taageerto nidaamka maamulka xukuumadda Bashaar Al-Assad.
Rajada Israel ee Gobolka
Israa’iil ayaa hadda usoo baxday inay tahay cidda keliya ee ku guulaysatay dagaalkan, iyadoo dabada ka riixaysay qorshaha lagaga tuuray xukunka nidaamkii Bashaar Al-Assad oo Turkigu lahaa fulisay qorshaha Israel iyo Maraykanka. “Waxaan u rajaynaynaa Lubnaan wanaag oo dhan, waxaana rajaynayaa in mustaqbalka dhow uu jiri doono heshiis nabadeed oo dhexmara Israel iyo Lubnaan” sidaa waxa laga soo xigtay saraakiil dhanka Israel ah.
Si kastaba ha ahaatee, Iran ayaa u muuqata mid iska fogaynaysa Assad, lagana yaabo inay ka tagto wax kasta oo ay dhistay oo ay u dagaalantay inay ku ilaaliso Suuriya 40-kii sano ee la soo dhaafay, taas oo ahayd saldhigga koowaad ee ugu weyn ay ku lahayd dunida Carabta,
Suuriya, waxay ahayd Biriishka isku xidhayay Iran iyo kooxaha iska caabinta ee gobolka iyo xoraynta Quduz iyo dhulka Falastiin, oo ka kooban Hezbollah, Hamas iyo Jihaad, Taliska Suuriya ee xukunka laga tuuray iyo Iran, waxay ahaayeen guusha Xamaas iyo duulaankii hubaysnaa ee ka dhanka ahaa Israel 2023 iyo guushii Hezbollah ee dagaalkii 2006, waxayna sida laga soo xigtay saraakiisha Hammas ay caddeeyeen in waxa ka dhacay Suuriya lagu tilmaami karo masiibo galaatay jilaa muhiim ah oo dhexda ka ciyaarayay kubbada gobolka.
Suuriya waxa hadda laga gooyay Iran. waxaana hubaal ah in ran ay isu diyaarinayso inay wajahdo maamul cusub ee Maraykan Trump, kaas oo maamulkaasu doonayo sidii uu dadaal badan ugu bixin doona rabitaanka reer galbeedka ee ah in la dhimio hamiga Iran ee Nukliyeerka.
Hoggaamiyaha Sare ee Iran Ali Khamenei,i waxa uu si joogto ah u ammaanay Bashaar Al-Assad, isagoo ku tilmaamay inuu yahay qofka laf dhabarta u ah dhidibka iska caabinta Falatsiin ee Xamaas iyo Jihaad iyo sidoo kale, Xizbullah, wuxuuna ku adkaystay inuu taageero hagar la’aan ah u fidiyo isaga oo k soo horjeeda is balaadhinta Israel ee gobolka, haysashada Quduz ee Israel iyo dhulka Falastiin. Lakiin Bashaar Al-Assad oo ku guulaystay 95 boqolkiiba codadka doorashii saddex sano ka hor, waxa xukunka looga tuuray, iyadoo aannu jirin aan hal qof oo ka mid ah dadka caadiga ah aannu diyaar u ahayn in uu difaaco Bashaar Al-Assad, ayaa sidaa ku waayay xilkiiisa, isaga oo aan la ogayn sababta. kadibna waxa magangelyo loogu qaaday Moscow oo ahayd saaxiib dhow oo in baddan ku hayay xukunkiisa Suuriya.
Taariikhda Suuriya.
Suuriya oo lagu tilmaamo innay ka mid tahay xuddunta Taariikhda Bariga dhexe iyo xadaaradda facaweyn oo ahmiyad Istiraatiijiyadeed oo Millateri, dhaqaale iyo diimeed leh, waxay Dagaalkii 1aad ee aduunka kaddib, Faransiiska ka heshay amar ku saabsan qaybta waqooyi ee gobolkii hore ee Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee Suuriya.
Gumaysidga Faransiiska ayaa maamulayay aaggaas ilaa ay Suuriya noqotay dal xornimadiisa ka helay 1946. waxaana jiray xilligaa xasilloonidaro siyaasadeed, taas oo la sababtay afgambi Millateri oo isdaba joog ah. Suuriya waxay la midowday Masar sannadkii 1958-kii si ay u samaysteen Jamhuuriyaddii Carabta ee hindisaheeda lahaa Jamaal Cabdinaasir oo ahaa Hoggaamiyihii Kacaanka Masar.
Midawga Masar iyo Suuriya ma shaqayn, waxaana Sannadkii 1961-kii, labadii maamul dib u kala noqdeen, iyadoo dib loo yagleelay Jamhuuriyadda Carabta Suuriya. Dagaalkii Carabta iyo Israel ee 1967, Suuriya waxay lumisay gacan ku haynta gobolka Golan Heights ee Israel. Intii lagu jiray 1990-meeyadii, Suuriya iyo Israel waxay qabteen marmar dhawr ah isku dayo la doonayay in xal nabadeed la gaadho, laakiin waxay noqdeen kuwo aan lagu guulaysan,
Sannadkii 1970-kii, Xaafid Al-Assad, oo dhalay Bashaar Al-Assad, isla markaana ka tirsanaa xisbigii hantiwadaaga ee Baath Party iyo dariiqada Calaw ee laga tirada badan yahay, ayaa xukunka ku qabsaday afgambi aan dhiig ku daadan, wuxuuna dalka u horseeday xasillooni siyaasadeed oo Suuriya ka hanaqaaday.
Kaddib dhimashadii Al- Assad , wiilkiisa, Bashar , ayaa loo ansixiyay inuu noqdo madaxweyne afti dadweyne 2000. Ciidamada Suuriya oo ku sugnaa Lubnaan tan iyo 1976-kii oo door nabad ilaalineed oo macquul ah ka qaatay ayaa laga saaray Lubnaan 2005. laakiin sanand ka dddib intii lagu jiray 2006 dagaal taariikhda bariga dhexe wax ka beddelay ayaa dhexmaray Israel iyo Xisbullah, Suuriya waxa lagu eeddeeyay innay galiyeen ciidamadeeda Millateriga guddaha Lubnaan intii dagaalku socday, balse si toos ah uma faragelin iyaga oo ka wakiil ah xulafadooda Xisbullah. Sumcad weyn ayuu ku helay Bashaar Al-Assad dagaalka 2006, wallow dalalka Carabta ee Khaliijku ka cadhoodeen , taas oo sababtay in sannadkii 2007, Bashar al-Assad markii labaad ee madaxweynenimada ayaa mar kale lagu ansixiyay afti.
Kacdoono waaweyn oo meelo kale ka dhacay gobolka oo loo bixiyay Gugii Carabta , isla markaana reer galbeedku dabada ka riixayeen si ay xukunka uga tuuraan hoggaamiyaal baddan oo Al-Assad ka mid ahaa, mudaharaadyo lagaga soo horjeedo dawladda ayaa ka dhacay gobolka koonfureed ee Darca 2011, taas oo la doonayay in ilaa Bashaar Al-assad meesha laga saaro aannay Israel kusii negaanayn dhulka falstiin iyo haysashada Quzus, sida kasoo baxday natiijadda dagaalkii 2006 ee Israel iyo Xizbullah.
Mudaaharaadyada iyo qalalaasaha rabshadaha wata ayaa ku fiday guud ahaan dalka Suuriya, dowladduna waxay kaga jawaabtay tanaasul, balse waxa ay sidoo kale samaysay cudud ciidan iyo xabsiyo taasoo horseeday isku dhacyo dheeraad ah iyo ugu dambayntii dagaal sokeeye. Cadaadiska caalamiga ah ee lagu hayo Dowladda Suuriya ayaa sii xoogeystay wixii ka dambeeyay 2011-kii, iyadoo Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, Turkiga, iyo Maraykanka ay ballaadhiyeen cunaqabateynta dhaqaale ee ka dhanka ah maamulka Bashaar Al-Assad ee Xukuumadda Suuriya iyo hay’adaha taageera.
Sannadkii 2012, in ka badan 130 waddan ayaa u aqoonsaday Isbahaysiga Qaranka Suuriya inuu yahay wakiilka sharciga ah ee dadka Suuriya, kuwaas oo ahaa kooxaha ay sameeyeen dalalka reer galbeedka ee doonayay ionnay xukunka ka tuuraan. Sannadkii 2015-kii, Ruushku wuxuu billaabay faragelin Millateri, isagoo geeyay ciidamadiisa, sidoo kale, Iran ayaa garab istaagtay Bashaar Al-Assad, taas oo u suurtageliay inuu soo ceshado dhulka ay mucaaradku haystaan ilaa 2020. Laakiin Turkiga oo garab siinayay kooxaha joojisay horumarkii taliskii oo ay ku khasabtay ismari waa u dhexeeyay taliskii iyo xoogaga mucaaradka.
In kasta oo dawladdu ay wayday gacan ku haynta dhul badan oo ka mid ah woqooyi bari ee dalka, oo ay u badan yihiin Kurdiyiinta Syrian Democratic Forces (SDF), iyo aag yar oo uu ka taliyo Turkiga oo isagu garab siinayay kooxaha, laakiin Iran iyo Ruushka ayaa guusha kaddib ku qanciyay Turkiga inuu arrinta Bashaar Al-Assad dhinac uga baydho, taas oo ka cadhaysiisay Maraykanka iyo Xullufadiisa oo Madaxweynaha Turkig, Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka badbaaday Inqilaab 2016, wallow Turkigu qaaday saddex hawlgal oo Millateri oo ballaadhan oo uu ku qabsaday dhul ku yaalla xudduudda Waqooyi ee Suuriya.
Qaar ka mid ah xoogaga mucaaradka ah ee u abaabulan ciidamada qaranka Suuriya ee uu Turkigu taageero iyo ciidamada Turkiga ayaa gacanta ku haya waqooyi-galbeed ee Suuriya ee ku teedsan xadka Turkiga uu la wadaago deegaanka Afrin ee gobolka Xalab tan iyo 2018.
Ururka xagjirka ah ee Hayat Taxriir al-Sham (oo hore u ahaan jiray (Jabhatu Nusrah) ayaa soo ifbaxday 2017-kii oo ah xoogagga mucaaradka ugu badan ee ku sugan gobolka Idlib, waxayna weli maamulaan aag ay sidoo kale martigeliyaan ciidamada Turkiga. Wadahadallada ayaa ku guul darreystay in xal laga gaadho colaadda,
Suuriya ayaa lagu qiyaasay sida ay sheegayaan warbixinihii ugu danbeeyay Tirada guud: ee dadka 23,865,423C, kuwaas oo 50%, Carab yihiin, haka Calawiyiinta uu kasoo jeeday Assad ay yihiin 15%, Kurdiyiinta ayaa iyaguna ah 10%, kuwa loogu yeedho qowmiyada Levantine 10%, laakiin waxa jira tiro kale oo lagu qiyaaso 15%, kuwaas oo isugu jira Druze, Ismaili, Imami, Nusairi, Ashuur, Turkoman, Armenian, waxaana lagaga hadlaa dalka Suuriya Luuqadaha Carabi oo ah luqada asmiga ah, Kurdish, Armenian, Aramaic, Circassian, French iyo English.
Qaramada Midoobay ayaa 2022 ku qiyaastay in ugu yaraan 306,000 oo qof ay ku dhinteen dagaalka sokeeye, ha;la ku dhawaad 6.7 milyan oo Suuriyaan ah ay ku barakacay gudaha 202, iyadoo ku dhowaad 3milyan qoxooti u galeen dalka Jarmalka. 5.6 milyan oo Suuriyaan ah oo dheeraad ah ayaa ka diiwaan gashan qaxootiga Turkiga, Urdun, Ciraaq, Masar, iyo Waqooyiga Afrika. Colaadda Suuriya ayaa xilligaa noqotay mid ka mid ah qalalaasaha barakaca ee ugu weyn adduunka, iyadoo ka labaadna lagu tilmaamay inuu yahay Ukraine.
Xilligan waxa hubbal ah in aannay jirin cid mustaqbalka Suuriya u sheegi karta si cad, waxaase si cad u muuqata in Israel iyo dalalka reer galbeedku ku guulaysteen inay meesha ka saaraan Biriishka xudunta isku xidhka Iran iyo Bashar Al-Assad oo ahaa laf dhabarta dhidibka iska caabinta Falatsiin ee Xamaas iyo Jihaad iyo sidoo kale, Xizbullah oo ah awood aan la muquuninayn wixii hadda ka horeeyay, balse waxa isbedelku si cad u muujinayaa in ay arrintan naafaynay kooxahaa oo ay suurta gal tahay in meesha laga saaro wixii hadda ka danbeeya ama lagu khasbo innay aqbalaan heshiisyo aan shuruud lahayn oo loo awood sheegto, wallow aan si dhab ah loo ogayn Iran iyo Ruushku waxa ay ku beddesheen in meesha laga saaro saaxiib muhiim u ahaa doorkooda gobolka.
Ma u malaynay in saaxiibadaa xiisaynayaan mawduuca Warbixintan? la wadaag oo la sheergaree.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
info@araweelonews.com