X
    Categories: Warar

Bulshada Rayidka ah ee Somaliland oo ka Warbixiyey Qaabka Diiwaangelintu uga Bilaabantay Sanaag

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland, ayaa ka hadlay qaabkii diiwaangelinta codbixiyeyaashu uga bilaaban tahay degaannada kala duwan ee Gobolka Sanaag maalintii Sabtida.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha dalladda ay ku bahoobeen bulshada rayidka ah ee SONSAF (Somaliland Non-state Actors Forum) Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil, kaasoo lagu faahfaahiyey qaabka diiwaangelintu u bilaaban tahay, duruufaha ilaa hadda la arkay iyo gaabis ka muuqday isu soo baxa dadweynaha ee Gobolka Sanaag.
“Waxa loo dareerey (16-kii July 2016-ka) goobaha diiwaan-galinta cod-bixiyaasha ee Gobolka Sanaag. Gobolkan oo noqonaya kii shanaad ee ay si qumman uga bilaabantay diwaangalintu, ka dib hal bil oo loo hakiyey bishii barakeysneyd ee Ramadaan awgeed.
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo ay ka qeybgaleen dhammaan danneeyayaasha arrimaha doorashooyinka Somaliland ayaa ka dhacday xarunta Khayriyada ee magaalada Ceerigaabo 14-kii July 2016-ka oo ku taal badhtamaha magaalada. Dhammaan daneeyayaashii ka qaybgalay xafladdaasi waxa ay isku waafaqeen in ahmiyad gaara la siiyo gobolkan oo baaxad iyo dhul ahaan aad u kala durugsan oo duruuftiisu aannay la mid aheyn kuwii hore ee ay ka hirgashay diiwaangalintu.
Badi goobaha diwaan-galintu waxa ay si wacan uga bilaabantay dhammaan gobolka waqtigii loogu talogalay, inkasta oo goobaha qaar waqti dambe la furey sababo dhinaca farsamo cilladeed jirtay awgeed iyo goobaha qaar oo aad u fogaa. Goobaha loo qoondeeyey in diwaan-galintu ka bilaabanto ee Gobolka Sanaag waxa ay Komishanka Doorashooyinka Qaranka sheegeen in ay yihiin 206 goobood. Hase ahaatee, waxa laga jarayaa tiradaasi guud dhawr goobood oo xaalado jira darteed u suura-gali kari waayey in diwaangalintu ka qabsoonto. Arrinta xusidda mudan ayaa ah in doorkan ay diwaangalintu ka dhaceyso goobo ku cusub Gobolka Sanaag oo aanney hore doorashooyinkii waddanku ugu dhicin.
Waxa kaloo ay soo tabiyeen goob-joogayaasha maxaliga ah ee SONSAF ay u kala dirtey goobahaasi in degmooyinka Badhan iyo Dhahar aannay maanta (maalintii Sabtida) ka dhicin wax diwaangalin ah, iyada oo qalabkii diwaangalintu ay gaadheen caawa (habeenkii Axadda), lana filayo in diwaangalintu ka bilaabmatay Axaddii, gaadiid la’aan ka dhacdey gobolka Sanaag ayaa sababta ugu weyn ay ahayd ee keentay arrintaas, taasi oo ka dhigeysa in tiradii guud ee Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay sheegeen aanney suurtoobin in ay ka wada dhacdo Gobolka Sanaag, duruufo ku gadaaman gobolka.
Lama soo sheegin ilaa hadda wax dhibaato ah oo ka dhacdey goobihi loogu talogalay diwaangalinta in ay ka dhacdo ee degmooyinka gobolka. Waxa kaloo la soo sheegey in dhammaan dadweynihii goobaha diwaangalintu ay si heer sare ah u soo dhaweeyeen hawl wadeennadii Komishanka Doorashooyinka Qaranka “KDQ” ee ku hawlanaa arrimaha diwaangalinta.
Koox hawl wadeenno ka socdey Dalladda SONSAF ayaa soo gaadhey hal usbuuc ka hor Gobolka Sanaag, si ay tobabarro u siiyaan shaqaalihii goob-joogayaasha maxaliga ahaa iyaga oo kaashanaysa, madasha ururada bulshada ee arrimaha doorashooyinka (SCISEF), kuwaas oo Dalladda SONSAF ay u kala dirtay gobolka Sanaag degmooyinka uu ka kooban yahay. Goob-joogayaasha maxalliga ah oo dhan 39 xubnood oo metalayey ururada bulshada, ayaa gaadhey degmooyinkaasi, iyaga oo si toos ah u soo tebin doona warbixinno hufan oo dhexdhexaad ah oo la xidhiidha arrimaha diwaangalintu inta ay socoto.
Dhanka kale, waxa ay xaqiijiyeen goob-joogayaashu in cilladaha xagga farsamo ee gobolku ay u badnaayeen dhinaca kombuyuutarka iyo mishiinnada oo sababey in goobaha qaar xilli dambe la furo. Sidoo kale waxa ay goob-joogayaashu qireen in gaabis badan ka jiro xagga isku soo baxa abaabulka dadka, oo sababta ugu weyni ay tahay wacyigalin la’aan baahsan oo gobolka ka jirtay,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Dalladda SONSAF.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post