#Araweelo_News_Network.
Budhcad-badeedda Sooomaalida ah ee dhowaan loogu awood sheegtay Markabka u afduubnaa oo ay ku haysteen xeebaha Somalia ee Punland, ayaa Maxkamad ku taal dalka Hindiya lasoo taaggay.
Sida ay soo werisay The indian Express 8 ka mid ah 35-ka Budhcad-badeedda oo Soomaali ah ayaa la sheegay innay yihiin carruur.
Howlgal socday in ka baddan 40-saacadood ayay ciidamada Badda Hindiya ku soo qabteen 35-qof oo Soomaali ah, iyagoo soo badbaadiyay 17-shaqaale ah oo ahaa shaqaalihii saarnaa Markabka.
35-qof oo Soomaali ah oo Sabtidii lasoo dhaafay ay Booliiska Mumbai xidheen, kaddib markii lagu eeddeeyay innay afduubteen Markab ganacsi, siddeed ka mid ah, ayaa sheegtay innay ahaayeen caruur.
Hase yeeshee Bilayska Yellow Gate ee Hindiya ayaa soo taaggay Maxkamadda 34 eeddaysane Maxkamadda.
Mid ka mid ah kooxda oo magaciisa Sir.J J, ayaa la sheegay in la dhigay Cisbitaalka, kaas oo lagu daweynayo, inta kale waxaa la horkeenay maxkamadda, halkaas oo Boolisku Hindiya ka dalbadeen Maxkamadda jn lagu hayo xabsiga si su’aalo la weeydiiyo.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
info@araweelonews.com