X

Brittan Oo Digniintii U Danbaysay U Dirtay Hoggaamiyayaasha Soomaaliya Iyo Ciidamadda Federaalka

Britain's Foreign Secretary Boris Johnson leaves from 10 Downing street after attending a meeting on April 10, 2018. (Photo by AFP)

#London(ANN)-Xukuumadda Dalka #Britain, ayaa ka digtay in hubinti la’aanta siyaasadeed ee #Soomaaliya ay ka faa’idaystaan Al Shabaab, waxayna xustay in ay weli ka walaacsan tahay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya oo horseeday amni darro weyn,

Britain ayaa ku celisay mar kale baaq ay kaga dalbanay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Gobolleedyada in si deg-deg ah loo qabto doorashooyinka.

Dowladda Britain, waxay sidaa ku sheegtay bayaan qoraal ah oo ay kasoo saartay xaaladda Soomaaliya, “waxa waajib ah dhammaan dhinacyada Soomalaiya si loo ilaaliyo nabadgelyada, xasilloonida iyo horumarka, waxaa muhiim ah in sida ugu dhakhsaha badan loo qabto doorashooyin ku dhisan is-afgarad.”

Boqortooyada Midowday ee (UK) waxay la socota go’aanka Madaxweyne Farmaajo ee ah inuu dib ugu noqdo wadahadalka madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah Federaalka isagoo cuskanaya heshiiskoodii 17-kii Sebtember, kaas oo ah waddada keliya ee ay ansixiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, ayaa lagu yidhi, bayaanka UK.

Dhinaca kale, dowladda Britain, ayaa bogaadisay Ra’iisal Wasaare Rooble iyo madaxda dowladdaha xubnaha ka ah Federaalka sidii ay u diideen muddo kordhinta.waxayna ugu baqeen Madaxweynaha iyo madaxda dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah Federaalka in ay si deg-deg ah u wada hadlaan, iyadoo aan la adeegsan wax shuruud ah oo lagu xidho wada hadalada, waana in ay sameeyaan tanaasul lagama maarmaan ah oo ay si daacadnimo leh uga gor-gortamaan xaaladda taagan ee wer-werka ah.

Dawladda Britain, waxay farriin si gaar ah ugu dirtay dhamaan Ciidamadda dowladda, waxayna ugu baaqday inay joojiyan rabshadaha, isla markaana qorshahooda ay ku bedelaan la dagaalanka Al-Shabaab oo aannay ku mashquulin khilaafka siyaasada.

“ Brirain waxay ugu baaqaysaa dhammaan ciidamadda ammaanka, gaar haan kuwa caasimadda inay ka waantoobaan rabshadaha, isla markaana ay ilaaliyaan xasiloonida shacabka iyo deganaanshaha. Waxaa lama huraan ah in ciiddamada amniga ay xoogga saaraan dedaalkooda ku waajahan la dagaalanka cadowga guud ee Al Shabaab, si loo hubiyo in aannay ka faa’idaysan hubanti la’aanta siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda.” Ayay Britain ku tidhi bayaanka.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post