X

Britain: Rishi Sunak Oo Kusoo Baxay Tartan Adag Oo Daaqada Ka Saaray Boris Johnson

wasiirka arimaha dibada Liz Truss, wasiirkii hore ee maaliyada Rishi Sunak, wasiirka ganacsiga Penny Mordaunt, Image Araweelo News Network, 14 July 2022.

Araweelo News Network.

London(ANN)-Tartanka loogu jiray xilka ra’iisal wasaaraha Britain ayaa noqday mid laysku waajaahay loollan adag, Wasiirkii hore ee maaliyadda Rishi Sunak ayaa ku guuleystay in uu hoggaamiyo  tartanka, isagoo  noqday  ra’iisal wasaaraha xiga ee Britain ee beddelaya Boris Johnson, wareegii labaad ee codbixinta tartanka oo ahaa mid qadhaadh.

wasiirkii hore ee maaliyada Rishi Sunak oo ku guulaystay tartanka ra’iisal wasaaraha Britain ee beddelaya Boris Johnson, Image Araweelo News Network, 14 July 2022.

Wasiirkii hore ee maaliyadda ayaa horudhac u ahaa labadii wareeg ee hore ee codbixinta, isagoo ka hormaray codadka wasiirka ganacsiga ee da’da yar Penny Mordaunt.

Sunak, oo toddobaadkii hore ahaa mid ka mid ah kuwii ugu horreeyay ee ku khasabtay Johnson inuu ka tago xilka, isla markaana is-casilo, ayaa hormuud ka ahaa kooxda Baarlamaanka ee sharci-dejiyeyaasha xisbiga Konsertifka, balse waxa jira dhaleecayn dadka qaar uga imanay oo lagu eeddaynayo doorkii uu ku lahaa burburkii xukuumadda Johnson.

Penny Mordaunt, oo ah wasiirka ganacsiga da’da yar iyo wasiirka arrimaha dibadda Liz Truss, oo ololaheeda rasmiga ah horay u shaacisay ayuu kala kulmay loollan adag,  waxayna Liz Truss ku doodaysay in ay tahay qofka keliya ee la tartamaya khibradda iyo qaadashada “go’aamada adag” ee loo baahan yahay Rishi Sunak, balse waxa laga saaray tartanka markii ay soo gaadhi weyday wareegii hore 30 cod.

Johnson ayaa xilkiisa ku waayay fadeexado soo waajahay iyo dhibaatooyin dhaqaale iyo sicir-barar taabtay nollosha Bulshada, taas oo sababtay in xildhibaanada qaarkood soo jeediyaan mooshin ay ku dalbanayaan inuu xilka iska casilo.

Sunak wuxuu u mahadceliyay taageerayaashiisa wuxuuna bartiisa Twitter ku yidhi, qoraal koobban, “Waxaan diyaar u ahay inaan wax walba oo aan u hayo u adeego qarankeena. Si wadajir ah ayaanu u soo celin karnaa kalsoonidii, dib-u-dhiska dhaqaalaha iyo dib-u-midaynta dalka.” Ayuu yidhi.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post