Araweelo News Network.
London(ANN)-Tartanka loogu jiray xilka ra’iisal wasaaraha Britain ayaa noqday mid laysku waajaahay loollan adag, Wasiirkii hore ee maaliyadda Rishi Sunak ayaa ku guuleystay in uu hoggaamiyo tartanka, isagoo noqday ra’iisal wasaaraha xiga ee Britain ee beddelaya Boris Johnson, wareegii labaad ee codbixinta tartanka oo ahaa mid qadhaadh.
Wasiirkii hore ee maaliyadda ayaa horudhac u ahaa labadii wareeg ee hore ee codbixinta, isagoo ka hormaray codadka wasiirka ganacsiga ee da’da yar Penny Mordaunt.
Sunak, oo toddobaadkii hore ahaa mid ka mid ah kuwii ugu horreeyay ee ku khasabtay Johnson inuu ka tago xilka, isla markaana is-casilo, ayaa hormuud ka ahaa kooxda Baarlamaanka ee sharci-dejiyeyaasha xisbiga Konsertifka, balse waxa jira dhaleecayn dadka qaar uga imanay oo lagu eeddaynayo doorkii uu ku lahaa burburkii xukuumadda Johnson.
Penny Mordaunt, oo ah wasiirka ganacsiga da’da yar iyo wasiirka arrimaha dibadda Liz Truss, oo ololaheeda rasmiga ah horay u shaacisay ayuu kala kulmay loollan adag, waxayna Liz Truss ku doodaysay in ay tahay qofka keliya ee la tartamaya khibradda iyo qaadashada “go’aamada adag” ee loo baahan yahay Rishi Sunak, balse waxa laga saaray tartanka markii ay soo gaadhi weyday wareegii hore 30 cod.
Johnson ayaa xilkiisa ku waayay fadeexado soo waajahay iyo dhibaatooyin dhaqaale iyo sicir-barar taabtay nollosha Bulshada, taas oo sababtay in xildhibaanada qaarkood soo jeediyaan mooshin ay ku dalbanayaan inuu xilka iska casilo.
Sunak wuxuu u mahadceliyay taageerayaashiisa wuxuuna bartiisa Twitter ku yidhi, qoraal koobban, “Waxaan diyaar u ahay inaan wax walba oo aan u hayo u adeego qarankeena. Si wadajir ah ayaanu u soo celin karnaa kalsoonidii, dib-u-dhiska dhaqaalaha iyo dib-u-midaynta dalka.” Ayuu yidhi.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com