X
    Categories: Warar

Britain Oo Xayiraad Cusub La Saaray Dhaq-dhaqaaqa Kaddib Xannuunka Coronavirus Oo Faraha Ka Baxay

Boris Johnson

Araweelo News Network.

 

#UK@Coronavirus Oo Faraha Ka Baxay iyo Xayiraad lagu soo roggay

#London(ANN)-Xukuumadda Dalka Britain, ayaa ku dhawaaqday xayiraad cusub, kaddib xaaladda xannuunka Coronavirus oo mawjado cusub ku habsadeen Britain iyo dalal kale.

Ra’iisal wasaaraha dalka Britain Boris Johnson ayaa dadka reer Britain ugu baaqay inay guryaha joogaan, isagoo ka digaya in xaaladdu faraha ka baxdo.

Boris Johnson, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu xalay shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo xaaladda cusub qabtay, wuxuuna mar kale ku dhowaaqay in dalka uu dib u geliyey xayiraad uu ku hakiyey dhammaan isu socodka aan muhiimka ahayn.

AKHRI: Fayriska Cusub Ee Hirarka Mawjadaha Ah Iyo Dalalka Yurub Oo Xayiraado Ku Baaqay

Mr. Johnson, ayaa ugu shacbiga in si la mid ah sidii dhacday bishii March ee sannadkii hore loo baahanyahay in la joojiyo dhaq-dhaqaaqa oo ay dadku ku nastaan guryahooda.

Dhawaaqa xayiraadda cusub ee dalka Britain, ayaa timi, iyadoo uu xannuunka cusub ee Fayriska Coronavirus si xun ugu faafay dalka, waxaana la xaqiijiyay in xannuunka Covid-19, dalka Britain uu noqday kuwa safka hore kaga jira ee uu halakeeyay.

AKHRI: Mawjadaha Hirarka Cusub Ee Fayriska Iyo Dalalka Yurub Oo Xayiraado Ku Baaqay

Tan iyo markii xannuunku ku faafay aduunka, iyadoo kiisaskii u horeeyay lagu arkay xaggaagii 2019, balse ay kiisas badan oo xannuunka Coronavirus oo xilligaa dalalka Yurub ku faafay lagu arkay   September 2019 – January 2020.

AKHRI: Astaamaha Iyo Wajiyada Xannuunka iyo Tallooyinka Khuburada Caafimaadka Aduunka

Hase yeeshee mawjadaha cusub ee fayriska oo si xawli ah u faafaya ayaa mar kale dhowaan lagu arkay dalka Britain, iyadoo dadka xannuunka Coronavirus lagu arkay tan iyo 2019, ay noqonayaan 2.71M, isla markaana ay u dhinteen 75, 431. Sidaa awgeed Britain waxay ka mid noqotay dalalka xannuunku sida weyn u galaaftay. sida ay sheegayaan warbixinaha caalamiga ah ee goobbaha lagu kaydiyo xogta iyo macluumaadka xannuunka Coronavirus.

Fayriska ayaa la xaqiijiyay in uu haleelayay dad gaadhay 84, 233, 579, kuwaas oo 222 dal oo aduunka ah, waxaana u dhintay tan iyo markii uu dunida ku faafay rubucii danbe ee sannadkii  2019, ku dhowaad laba milyan oo qof aduunka oo dhan inta la ogyahay ayaa u dhimatay, walaw goobbaha lagu ururiyo macluumaadka Coronavuris lagu diiwaangeliyay 1. 843, 293, taas oo ah tiradada dhimashada ee aduunka oo dhan inta la ogyahay ee dhimashada xannuunka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post