X
    Categories: Warar

Britain Oo Sheegtay In Aanay Sii Wadi Karin Kharashka Ay Siiso Ciiddamada AMISOM Ee Dagaalka Kula Jira Al-shabaab Sababo Dhaqaale

Araweelo News Network

British Foreign Secretary Boris Johnson


London(ANN)- Dowladda Ingiriiska ayaa ka sheegtay in hoos u dhac dhaqaale soo waajahay tan iyo markii ay iskaga baxday Ururka Midowga Yurub. Sidaa awgeed ay ka Fiirsanayso dhaqaalaha ay ku bixiso dagaalka lagula jiro xarakada ka dagaalanta Soomaaliya ee Al-shabaab.

Mr. Boris Johnson oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Britain oo ka hadlayay magaalada Kampala ee dalka Uganda, ayaa sheegay in dowladdiisu aanay awoodin sii wadidda dhaqaalaha ay siiso ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo dagaal kula jira Al-shabaab.

“Britain waxa ay ka fiirsanaysaa dhaqaalaha ay ku taageerto howlgalka Nabad ilaalinta Somalia” ayuu yidhi, Boris Johnson oo kulan gaar ah laqaatay Madaxweynaha Uganda xili uu booqasho ku maryay.

Dhinaca kale Shir loo qorsheeyay in Bisha May,2017 lagu qabto magaalada London oo la doonayo in lagaga hadlo arrimaha Soomaaliya ayaa la filayaa in Ururka Midowga Afrika uu kusoo bandhigo caqabadaha dhanka dhaqaalaha ah ee ka heysta hawlgalka dhinaca nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo beegantay kadib markii Madaxa AMISOM dhowaan sheegeen in marka la gaadho horaanta 2018, ay bilaabi doonaan in ciidamadooda ay kala baxaan dalka Soomaaliya, taas oo ay sabab u dhigeen arrimo la xidhiidha dhinaca dhaqaalaha.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post