X
    Categories: Warar

Britain Oo Shaacisay in aannu Macno Buuran Yeelanayn Aqoonsi ay Kelidood Siiyaan Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa (Jam)- Dawladda Ingiriiska, ayaa shaacisay in aqoonsi ay kelidood siiyaan Somaliland aanay soo kordhinayn macno buuran, balse ay si dhow ula socdaan mowqifka Midowga Afrika ka qaato qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland.

Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya magaalada Muqdisho Ambassador Harriet Mathews, ayaa sheegtay inay muhiim tahay sidii aqoonsiga Somaliland qayb uga noqon lahaa hannaan heshiis ballaadhan ah oo dhexmara dhammaanba dhinacyada arrintaasi khusayso.

“Marka laga hadlayo aqoonsiga Somaliland iyo dalka UK waxa aan filayaa in mowqifka aannu arrintaas ka taagannahay si fiican loo ogyahay amma la garanayo. Sidaa darteed, waxaannu la soconaynaa waxa Midowga Afrika (AU) ka yidhaahdaanamma ka yeelaan qaddiyadda Somaliland, waayo haddii aannu imminka nidhaahdo waannu aqoonsannahay Somaliland wax macno ah oo ay samaynayso ma jirto, balse waa in (aqoonsigu) qayb ka noqdo hannaan ballaadhan oo heshiis ah, iyadoo aannu ognahay in wadahadal u socdo Hargeysa iyo Muqdisho, kuwaasoo aannu run ahaantii si dhow ula soconno,” ayey tidhi Ambassador Harriet Mathews oo ka jawaabtay su’aal laga weydiiyey kulan dadweyne oo telefishanka Universal u qabtay haweenayda diblomasiyadda ah.

Waxa kaloo ay sheegteen in dawladaha Somaliland iyo Ingiriisku ka wada xidhiidhaan xafiiska siyaasadda ee safaaradda UK ku leedahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxayna tidhi; “Safaaradda waxa xarunteedu tahay Muqdisho, waxaanan doonaynaa in aan caddaynayo in aannu bixinno taageerada ay u baahan yihiin Somaliland, sidaa darteed waxaannu macluumaadka ka helnaa, maadaama Somaliland la shaqayso xafiiskayada siyaasadda ee xaruntiisu tahay Addis Ababa, kuwaasoo iyaguna macluumaadka ila wadaaga, halka sidoo kale uu jiro xafiis kaloo ku yaal Nairobi oo aannu ka wada shaqayno dhinaca horumarka Somaliland.
Marka ay timaad Somaliland waxaannu doonaynaa in aannu la leenahay xidhiidh gaar ah Somaliland, taasina waa sababta muhiimka ah ee aannu u doonayno joogitaankayaga. Dalka UK oo ay wehelinayaal dalal kale ee Midowga Yurub sida Denmark oo kale, waxa aannu taageero dhaqaale ka geysannaa hannaanka doorashooyinka Somaliland oo diiwaangelinta codbixiyeyaasha lagu sameeyo qaabka ugu casrisan, uguna horumarsan adduunka, kaasoo ah habka sawirka iyo aqoonsiga indhaha (Iris Recognition System) oo qofka indhaha laga sawirayo, waxaanan taas uga shaqaynaynay maaha oo qudha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, balse waa in dadka la baro hannaanka codaynta iyo diiwaangelinta, halka sidoo kale aannu arrimo kala duwan kala shaqaynno Somaliland, sida in dadka laga taageero saamayntii abaaraha ka dhalatay iyo sidoo kale taageero ballaadhan oo aannu u fidinno dawladda Somaliland, si loo helo in laga caawiyo dhinaca adeegyada caafimaadka, waxbarashada, ammaanka xeebaha, iyadoo aannu taageerno Ilaalada Xeebaha Somaliland, waxaanan odhan karaa in aannu xidhiidh iskaashi oo qanni ah la leenahay Somaliland,” ayey tidhi Ambassador Mathews oo ka hadlaysay meelaha dawladda Britain ka taageerto Jamhuuriyadda Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post