X

Britain Oo Ruushka Ku Eeddaysay Inuu Maleegayo Dagaalkii Ugu Weynaa

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy Oo Putin Ka Dalbaday Wadahadal Iyo Xaaladda Cabsida Leh

Araweelo News Network.

London (ANN)- Ra’iisal wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa ka dayriyay xaaladda sii xumaanay ee Ukraini isagooo kaga hadlay mushkilada cabsida weyn ee soo waajahaday Yurub.

Volodymyr Zelenskyy and Chancellor, Araweelo News Network Munich 20 Feb 2022/

Britain Boris, wuxuu tilmaamay in wixii ka danbeeyay dagaalkii labaad ee Aduunka xaaladda xilligan ee collaada Ukraine ay tahay cabsida ugu weyn e ewer-werka ku abuurtay.

Caddaymaha ayaa sheegaya in Ruushku uu qorsheynayo “dagaalkii ugu weynaa ee Yurub tan iyo 1945”, sidaa waxa yidhi, Ra’iisal Wasaare Boris Johnson, mar uu ka hadlayay xiisadda, isagoo waraysi siiyay BBC, wuxuuna intaa ku daray in arrintu aannay ahayn mdi khatarteeda ay waajahaan dadka reer Ukarine oo keliya, balse ay noqnayso mid xataa saamaynay dadka Raashiya.

Laxidhiidha: Ukraine Dhacdooyinka Salka U Ah Xiisadda Ka Alloosan Ee Ruushka Iyo NATO

Madaxweyneha Ruushka, ayaa hore u sheegay dhawr jeer in ciidamadiisa ku waajahnaa Ukarine uu dib u saaray, balse Maraykanka iyo xulufadiisa ayaan marnaaaba rumaysan, waxayna Saraakiisha NATO, weli  sheegayaan in Woqooyiga Belarus ay ku sugan yihiin ciiddan gaadhaya 30,000, kuwaas oo laga cabsiqabo in ay soo galaan guddaha Ukarine, iyagoo kulaalaya xilligan.

Ruushka, ayaa si weyn loo saarayaa weli caddaadis caalami ah, balse waxa muuqata in Madaxdweyne Putin ay si weyn ay uga go’antahay in ay gebi ahaanba la wareegaan Caasimadda Kyiv ee Ukraine.

Weriyayaasha ku sugan Kyiv iyo Warsaw, ayaa sheegaya in xaaladda cabsidu sii korodhay, isla markaana aannay jirin caddaymo muujinaya deganaansho, iyadoo dadka si weyn cabsi u dareemaayan oo ay qaar baddan ka cararayaan gurayahooda dhinaca Ukarine iyo Poland.

Laxidhiidha: Gulufka Dagaalka Ukraine Iyo Khiyaamooyinka Dhinacyada

Dhoolatuska Millateri, ayaa ka socda tan Sabtidii ilaa Axadii dhinaca Belarus ee Bariga Ukarine, waana calaamad muujinay sida ay sheegayaan Saraakiisha NATO, in la filankaro weerrar, iyadoo sidoo kale la xidhay xadka ay wadaagaan Belarus iyo Ruushku, halkaas oo ay weli ka wadaan dhooltus Millateri.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ku baaqaya in wadahadalo fool-ka- fool ah oo ay yeeshaan Madaxweyneha Ruushka Vladimir Putin si loo xaliyo xiisadda ka dhex taagan dalalkooda. Zelensky wuxuuna sidaa ka sheegay mar uu ka hadlayay shirka amniga Munich ee Jarmalka, laakiin waxa la saadaalinayaa in aannay taasi noqonayn mid dheggaha Putin maraysa.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post