X
    Categories: Warar

Britain Oo Noqotay Dalkii U Horeeyay Ee Ansixiya Tallaalka Daawada Coronavirus

Araweelo News Network.

London(ANN)-Boqortooyada Midowday ee (UK), ayaa noqotay dalkii ugu horeeyey aduunka ee ansixiya talaalka la doonayo in laga hortago xannuunka sida weyn aduunka u saamayeeyay ee coronavirus ee pfizer biontech vaccine.

Sidaana waxa shaaca ka qaaday Maamulaha dawooyinka ee Britain, MHRA, wuxuu xusay in tallaalka oo ilaa 95% noqonaya kahortaga cudurka Covid-19, uu badbaadinayo bulshada UK.

 

Boqortooyada Ingiriiska, ayaa hore u haysatay dawooyin, iyadoo sida uu sheegay 800,000 lagu wado maalmaha soo socda inay soo gaadhaan ayuu yiri Pfizer.

 

Arrintan ayaa si weyn durba dooda uga dhex abuurtay bulshada dalka Britain, iyadoo ay jiraan su’aalo layska weydiinayo habka loo qaadanayo tallaalka COVID-19, ee Vaccine iyo saamaynta mustaqbalka ee nolosha dadka qaata, maadaama ay khuburada sayniska oo ay qaar baddan oo ka mid ah walaac ka muujiyeen, isla markaana dadkii lagu tijaabiyay tallaalka ay qaarkood mar kale la kulmeen xannuunka COVID-19.

Britain, ayaa ka mid ah dalalka ugu baddan ee xannuunka COVID-19, sida weyn u saameeyeeyay, isla markaana uu galaaftay nolosha in ku dhow  75.000,  tan iyo March, iyadoo tirada kiisaska xannuunku gaadhay 1.66 milyan.

Arbacdii maanta ayaa la sheegay in ay korodhay tirada dhimashada ayaa gaadhay 648  28 maalmood gudahood, halka laga diiwaan geliyey Boqortooyada Midowday Arbacadii maanta 16,170 kiis oo kale oo la soo sheegay.

Raiisal wasaare Boris Johnson wuxuu ku booriyay shacabka in annay ku dhicin “rajo xumo ama ay ku dhacdo aaminaada caqliga xun ee ah in halgankeena uu dhamaaday”.ayuu yidhi.

Boris Johnson, wuxuu sidaa ka sheegay shirkiisa jaraa’id ee Downing Street in, in kasta oo “iftiiminta raadinta sayniska” ay abuurtay tallaal shaqeynaya, haddana caqabado xagga saadka ah ayaa weli hadhay, ayuu raaciyay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post