X
    Categories: Warar

Britain Oo jawaab Ka Bixiyey Dalab Xukuumadda Somaliland U Gudbisay

Araweelo News Network


London(ANN)-Xukuumada Dalka Britain, ayaa jawaab ka bixisay dalab xukuumada Somaliland kaga codsatay inay kaalin goobjooge-nimmo ku yeelato wadamadda Barwaaqo-sooranka, oo shalay lagu weydiiyey baarlamaanka Ingiriiska

inkastoo aan la shaacin xiliga Xukuumada Somaliland u gudbisay dalabkeeda kaalin goob-joogenimmo inay ku yeelato Wadamadda barwaaqo-sooranka ayaa xildhibaan Andrew Rosindell su’aal ka jeediyey fadhigii baarlamaanka u dhignayd,

“Hadaan weydiiyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka, waa maxay siyaasada waaxdiisa ka qaadatay dalab Somaliland ku doonaysay kaalin goob-joogenimmo ay ku yeelato Wadamadda barwaaqo-sooranka.

“Ma jiro kaalin goob-joogenimmo ama ka mid ahaansho la xidhiidha oo Wadamadda Barwaaqo-sooranku leeyahiin,” ayuu yidhi Mr. Tobias Ellwood, Wasiiru-dawlaha xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka.

Mr. Ellwood oo ka jawaabayey su’aasha laga weydiiyey fadhigii baarlamaanka ayaa yidhi,
“Shuruudaha xubinnimada waxa ka mid noqon kara dal xor ah, isla markaana Somaliland weli aqoonsi caalami ah ma helin. Mowqifka Ingiriisku waxuu ahaa in Somaliland iyo Soomaaliya go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda, oo wadamadda jaararku hormood u noqdaan aqoonsiga waxa ka soo baxa.

Inkastoo xukuumada Ingiriisku weli ku xidhayso Soomaaliya aqoonsi ay siiso Somaliland, sida wadamada kale, haddana, dalabka goob-joogenimmada ayaa sii bayaaminaya hadafka shacabka Somaliland ugu diyaar yihiin helitaanka madaxbanaani buuxda, hadii natiijo waara laga gaadho wadaxaajoodka u dhexeeya Soomaaliya iyo hadii kale.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post